Baarlamaanka Midawga Yurub Oo Markii U Horaysay Taariikhda Dood Ka Yeeshay Aqoonsiga Somaliland

0
405

“Waxaan muddo dheer taageersanaa madaxbanaanida dal kale oo muslim ah oo Somaliland la yidhaahdo, waxaan Midowga Yurub u gudbiyey ….” James Carver
 
 
Strasbourg (Dawan). Baarlamaanka ururka midawga Yurub ayaa markii u horaysay taariikhda ayaa  Arbacadii todobaadkii hore waxa uu dood ka yeeshay qadiyadda Somaliland iyo madax-bannaanideedda.
Gudoomiyaha Xisbiga UKIP ee dalka Britain Mr. Nigel Forage iyo Xildhibaan James Carver  oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Yurub, ayaa golaha Sharci-dejinta ee Midowga Yurub u soo bandhigay   inay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland.
Guddoomiye Nigel iyo xildhibaan Carver, oo ka qayb-galay  Fadhigii  baarlamaanka midawga Yurub ee   todobaadkii hore   uu ku yeeshay xaruntooda magaaladda Strasbourg ee dalka Faransiiska oo lagaga  doodayey Aqoonsiga  Falastiin, ayaa labadooduba waxay  iska daba-qaateen  taageero ay ku dhiirri-gelinayaan aqoonsiga Somaliland.
Waxaanay   ku doodeen  labadan mudane in Somaliland ay buuxisay dhamaanba shuruudihii dawladnimo sidaas darteedna ay u qalanto  in la aqoonsado, isla markaana golahooda la soo hor-dhigo mooshin lagaga doodayo  Aqoonsiga la siiyo Somaliland.
Xildhibaan   James Carver oo Xisbiga UKIP ugu jira Baaralamaanka ururka midawga Yururb, waxa uu dooddiisa ku daray qadiyadda madax-banaanida Somaliland.
“Waxaan muddo dheer taageersanaa madaxbanaanida dal kale oo muslim ah oo Somaliland la yidhaahdo, 3-dii bishii September ee  sannadkan waxaan Midowga Yurub ugu gudbiyey qoraal,  su’aal ku saabsan aqoonsiga Somaliland. Guddiga Midowga Yurub ma laha awoodda ay ku aqoonsadaan dal, laakiin taa waxa awood u leh waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, sida Sweden” ayuu yidhi Xildhibaan Carver.
Sidoo  kale  Gudoomiyaha xisbiga UKIP ee dalka Ingiriiska mr. Nigel oo isna hadal ka jeediyay fadhiga  Baarlamaanka Yurub oo uu xubin ka yahay, ayaa taageeray doodda uu xildhibaan James Carver soo jeediyey ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
isaga oo la hadlayey mr. Nigel shir-gudoonka iyo mudaneyaasha Baarlamanka, waxa uu yidhi “Guddoomiye,  Dhawaan saaxiibkay Mr. Carver waxa uu Midawga Yurub u qoray qoraal uu kaga dalbanayo aqoonsiga madax banaanida Somaliland, taasi oo loogu soo jawaabay in aan Midowga Yurub lahayn awood uu ku aqoonsado dal cusub, waxaana laguugu soo gudbiyey jawaabta in aanu dalabkaasi soconaynin.”
 
Mr. Nigel ayaa  gudoomiyaha Baarlamaanka Midowga Yurub u soo jeediyey inuu aqbalo dalabka aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland isla markaana u soo dhigo baarlamaanka si cod loogu qaado.
Waxaanu  yidhi, “Si haddaba ay dhab u noqoto inaan dalabkaasi soconayn, fadlan immika ma aqbalaysaa inaad dalabkaa u codeynta madaxbanaanida Somaliland soo dhigtid baarlamaanka si cod loogu qaado, si aan meesha uga saarno inaan Baarlamaanka Yurub awood u lahayn aqoonsiga waddan”.
Si kasta ha ahaatee, baaqyada ay guddoomiyaha Xisbiga UKIP iyo Xildhibaanka u gudbiyeen Goleweynaha midowga Yurub, ayaa la saadaalin karin jawaab-celinta kaga soo noqon doonta dalabkooda.
Fadhiga   baarlamaanka Yurub ee Arbacadii oo laga doodayey madax-bannaanida Somaliland, ayaa markii dambe codbixin loo qaaday, waxaana ogolaaday 498 mudane, 88 mudane way diideen halka 111 mudane ay ka aamuseen.
 

Leave a Reply