“Waxaanu Cambaareynaynaa Go’aankii Beesha Qaska Lagaga Dhex Abuurayo ”Ururka HALDOOR

0
389

Hargeysa (DAWAN)-Dhalinyarrada beesha waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ayaa cambaareeyay go’aankii ay qeyb ka mid ah guddigii shirkii HOODAALLE ay ku dhex galeen arrimo siyaasadeed oo aan loo igman, waxaanay sheegeen in tallaabadii ay ku sheegeen inay  kala reebeen musharaxiin beesha ka soo jeeda.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Ururka HAL-DOOR Axmed Cabdi Xasan Faarax oo ah ururka dhalinyaradda beelaha waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa. Waxaanu u qornaa sidan:-
“Caawa (habeen hore oo ay tahay taariikhdu 19/12/2014, wuxuu ururka Dhallinyarada Haldoor ee aqoonyahanka beesha Sacad Muuse wuxuu u bayaaminayaa mujtamaca reer Somaliland, in ururka loo abuuray inuu is barbar istaago jiritaanka Qaranimada Somaliland, xoojiso walaalnimada, jaarnimada, wada dhaqanka iyo wada noolaanshaha beelweynta Sacad Muuse, haldoor waxay u taagan tahay inay isku furfurto dhallinyarada oo ay hormood u noqoto dhallinyarada, wx wada qabsada oo talo midaysan leh, waxa ka  go’an inay kala shaqayso  hay’adaha amniga, sugida iyo adkaynta nabadgalyada qaranka, ururku waxaa astaan u ah dhallinyaro firfircoon o ka turjumaya dareenka shacabkooda, diyaarna u ah inay wakhti, maskax iyo maalba ku bixiyaan sidii qarankan Jamhuuriyadda Somaliland u noqon lahaa qaran waara oo horumara.
Sidaa daraadeed waxa uu warsaxaafadeedkani daaran yahay:-

  • Ururka HALDOOR waxa uu cod dheer ku canbaaraynayaa go’aanka sharci darrada ah ee ay gudidii horumarinta HOODAAALE ku dhawaaqeen ee dhinaca u xaglinayay taasi oo xaaraan ka ah beesha dhexdeeda inay cidi raacdo iyada oo aan la isqancin lana wada tashan.
  • Ururku wuxuu si cad raaligalin u siinayaa dhamaan beel weynta Sacad Muuse ee kale taageersan saddexda nin ee hanka siyaasiga ah wada leh balse aynaan inagu kala saari karin  ee ay u taalo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaana inagu waajib ah in aynu wada taageerno siyaasiga ku guulasyta Golaha Dhexe ee Xisbiga.
  • Ururka HALDOOR wuxuu maanta laga bilaabo kalsoonidii kala noqday ay hore u siiyeen Gudida Horumarinta beesha ee lagu soo doortay shirkii HOODAALE, taasi oo ku milantay siyaasada ay wataan siyaasiyiinta reerka qaar ka mid ah.
  • Ururka wuxuu ku wargelinayaa dhamaan dhallinyarada beesha in ayna ku milmin tartan siyaasadeedka aan wakhtigiisa la gaadhin ee beesha qaska lagaga dhex abuurayo ee cid gaar ahi wadato.”

 
 
 

Leave a Reply