Xildhibaan Nacnac Oo Mucaaridka Ku Eedeeyay Inay Xaqirayaan Ciidamada Dalka

0
409

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Xisbiyada Mucaaridka ah (Waddani iyo UCID) ku eedeeyay in ay ku kaceen Talaabooyin  Qaran dumis ah, oo wax u dhimaya jiritaanka iyo madaxbannaanida dalka Somaliland.
 
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), waxa uu sheegay  in Ciidamda  qaranka Somaliland ee u xilsaaran Amaanku aanay Faraha ka laaban doonin cid kasta oo ku kacda fadqalalo iyo falal wax u dhimaya arrimaha nabadgalyada iyo Qarimada Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Mudane Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu Tilmaamay in Xisbiyaa Mucaaridka ah lagu Saliday. islamarkaana ay Shaqo ka dhigteen Ciidamadii ilaalinayay Qaranimada, Jiritaanka iyo  Nabadgalyada Dalka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Nimankan Mucaaridka ah, meel kastaba ha joogeene ee ILLAAHAY ku saliday Booliiskii ilaalinayay ee RRU la odhan jiray, waxaan u sheegayaa Ninka Mucaaridka ahi Bari wuxuu noqon karaa Ninka Waddanka Xukuma, markaa haddii ay Booliiskii ay kala diraan oo ay yidhaahdaan Ingiriisow naga Qaad RRU-da oo wax bay nagu hayaane, hadhaw yaa ilaalin doona?, waxaanu leenahay waa Qaran Dumisnimo waxaas oo kale looma baahna Booliiskeena yaynaan waxba ka sheegin, Ciidankeena yaynaan waxba ka sheegin, wax aan duco iyo waxtar ahayn  mooyee, yaynaan waxba ka sheegin”.
 
Xildhibaan Nacnac waxa kale oo uu sheegay in markii ay Mucaaridka ahaayeen ay ciidamada SPU ay dhibaatooyin soo gaadhsiiyeen laakiin marnaba aanay waxba ka sheegi jirin, Xildhibaanku isagoo Arinkaa ka hadlayana wuxuu yidhi ” Anagu barigii aanu Mucaaridka ahayn SPU-da qolo la odhan jiray mar aanu Dhakhtarka hortiisa Mudaharaad ka dhigaynay labadii igu xigay bay ku dhacday oo waa loo soo Taagnaa, haddana mar qudha maanu odhan Nimankaasi waa sidaas iyo sidaas oo waxaanu u arkaynay Niman waajibaadkoodii gudanaya, markaa waxaanu leenahay Nimankan Mucaaridka ah ha ka waantoobeen, Nimankan uu illahay Booliiska dhabarka ka saaray, Ha ka Waantoobeen baan leeyahay oo ha ogaadaan inay yihiin Ciidanka ilaalinaya Maanta, Baritana ilaalinaya”.
 
Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa dhinaca kale Xisbiyada Mucaaridka ah ku eedeeyay inay Bulshada Somaliland majaro habaabinayaan oo ay waddo leexsan cod kaga doonayaan waxaanu yidhi   “Ta kale Nimanka Mucaaridka ah ama madasha ha ahaadeen ama Xisbiyada ha ahaadeene ee Boorame tagay ee Bulshada u sheegaya ee leh Booliiska  ha laga qaado, Ciidanka ha laga qaado, waxaanu u sheegaynaa Ciidanku waa Ciidankii Somaliland weeyaan, meel kasta oo uu joogo waa inuu Nabada ilaaliyaa waa inuu ilaaliyaa Qofka Duminaya Qaranimada Somaliland ee wax yeelaya waa inuu isagoo Jeebaysan soo qabtaa, markaa waxaanu leenahay in sidaa Ummada waxba lagaga heli maayo oo Quud kaga helimaysaan,  Awal waxaad ku marmasoon jirteen Madaxweynuhu ma hadlo, oo ma safro, imikana waxaad ku marmarsootaan Boorama Ciidamada ha laga qaado, waxaanu leenahay waar dadka u sheega waxaad qaban doontaan iyo waxa ay dawladu qabatay u sheega, Hadalka wanaagsan ayaa wax lagu helaa, Taa ka Warama, laakiin Ciidanka ha laga Qaado, yaa  Boorame ilaalin doona haddii Ciidamada laga qaado?, waxaanu leenahay Ciidanku way ku saxsan yihiin Ninkii Qaranka duminaya meel kasta ha joogee, in la soo qabto oo Maxkamada la keeno oo ha ku cadaato ama yaanay ku cadaane waa in la soo qabto, Ninkan Buuraha galay ee Ciidanka samaystay Nimanka u doodaya waxaanu leenahay Walaal waa Qaran Dumisnimo, Nimanka Mujaahidiinta isku sheegaya ee Qolada Tolowadaag, Waxaan leeyahay waa Waddankii aad soo Xorayseen waa Wadadankii aad u soo Halganteen, Waa Waddankii aad u soo Dhaawacanteen, Haddii aad maanta leedihiin hala kala Jarjaro Idiin ka ma Ogolin Mana Yeelayno ayaan leeyahay”.

Leave a Reply