Doorasho Taariikhi ah oo ka Dhacaysa Tunisiya

0
448

Dadka reer Tunisia ayaa waxa ay dooranayaan madaxweynahoodii ugu horreeyay ee si xor ah loo soo doorto.
Doorashadan oo ah wareeggii labaad ayaa waxa ay horseed u noqonaysaa in dalka uu u dhaqaaqo dhanka dimuqraadiyadda.
Beji Caid Essebsi, oo boqolkiiba 39 ku guulaystay wareega koobaad, ayaa waxa uu la tartamayaa hogaamiyaha kumeelgaarka ah ee Munsif Marzuuqi.
Mr Essebsi, ayaa waxa uu matalayaa xisbiga Nidaa Tuunis.
Tunisia ayaa aheyd dalkii ugu horreeyay ee erya madaxweynahoodii intii uu socday kacdoonkii Carabta, iyadoo sidoo kalana dhiirigalisay kacdoonadii kale ee ka dhacay gobolka.
Mr Essebsi, oo toddobaadkan ay da’diisu noqotay 88 ayaa la soo shaqeeyay Madaxweynihii xilka laga tuuray Zaynal Caabidiin Bin Cali iyo Xabiib Burgiiba, oo ah hogaamiyihii ugu horeeyay ee dalkaasi xukuma xornimaddii kaddib.
Afar sanno kadib kacdoonkii lagu riday Zine Abedine Ben Ali, taasoo ku faaftay waddamada carabta, Tunisa waa waddanka kaliya ee ku guulaystay isbadal dimoqraadig ah.
Wareega labaad, madaxweynaha xilka haya Moncef Marzouki, oo u dooda xaquuqda bini’aadanka ayaa la tartamaya Beji Caid Essebsi, oo ku guulaystay codadka intiisa badan wareegii koowaad.
Marzouki,waa madaxeynaha kumeelgaadhka ee Tunisia tan iyo 2011-kii, waxaana uu taageero weyn ku dhex leeyahay dadka saboolka ah.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka kadib markii argagixiso ay ku hanjabtay inay weerar ku qaadayaan saldhigyada doorashada.
Ciidamada ayaa meel ku dilay nin hubaysan saddex kalena qabtay oo soo weeraray saldhig codayn.
 

Leave a Reply