Hoggaamiyaha Kurdiyiinta oo u Hambalyeeyay Ciidankiisa

0
400

Hogaamiyaha Kurdiyiinta Iraq, Masoud Barzani ayaa tegay buurta Sinjar si uu ugu hambalyeeyo dagaalyahaniniintiisa kadib markii ay weerar ku qaadeen kooxda Daacish. Weerarka dagaalyahanada Kurdiyiinta ayaa la bilaabay toddobaad ka hor si ay u badbaadiyaan kumanyaal Yazidi oo ku barakacay buuraha.
Gargaarkii ugu horeeyay ayaa hadda gaadhay goobka. Mr Barzani ayaa sheegtay in dagaalyahaniinta ay kordhinayaan dadaalkooda si ay u qabtaan magaalada Sinjar oo ay Daacish qabsatay bilo ka hor.
 

Leave a Reply