Laba Askeri oo Lagu Toogtay Mareykanka

0
459

Laba askeri oo ka shaqeyneysay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa nin hubeysan uu toogasho ku dilay, kaddib qofka toogtay oo ku cararay wado dhulka hoose marta ayaa isna isdilay.
Markii ugu dambeysay ee magaalada New York lagu dilay askeri waxay ahayd 2011-kii.
Weerarka lagu qaaday labada askeri ee la dilay ayaa si la yaableh uga dhacay magaalada ugu weyn Mareykanka.
Labadan booliiska ah waxay roondo ku marayeen qeybta Bedford-Stuyvesant ee Brooklyn.
Iyagoo dhex fadhiya gaadhigooda, ayaa nin hubeysan waxa uu ku furay rasaas. Labadaba waxaa loo qaaday cisbitaal, waxayna u dhinteen dhaawacyadii soo gaadhay.
Toogashadan ayaa imanaysa iyadoo askarta New York aad isha loogu hayo farsamooyiinka ay isticmaalaan.
Horraantii bishan, xeerbeegti ayaa diiday in dacwad lagu soo oogo askariga cunaha bakhtiiyay  kuna  dilay nin madow oo lagu magacaabo Eric Garner.
Go’aankaasi waxa uu sababay dibadbaxyo ka dhacay magaalada New York iyo magaalooyiinka kale ee Mareykanka.

Leave a Reply