“Itoobiya kama aqbalayso shakhsi, koox ama dal in uu Waxyeelo Amniga Somaliland” safiirka Itoobiya ee Hargaysa

0
382

Hargaysa (Dawan): Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland ayaa wareysi dheer oo uu siiyay Dawan Media Group, waxa uu kaga hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, nabadgelyada iyo siyaasadda iyo xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Qunsulka guud  Janaraal Berha Tesfeye, waxa uu wareysiga ku  faahfaahiyay  siyaasadda dawladiisa ee ku waajahan kobcinta xidhiidhka horumarinta dhaqaale, ganacsi, nabadgelyo iyo sida ay labada dal iskaga kaashanayaan wax wada qabsiga iyo sida uu xafiiskiisu uga hawlgalo ka midho dhalinta arrimahaasi.
Waxa uu si gaar ah uga warramay iskaashiga ka wada shaqaynta amniga iyo sida ay dawladdiisu ugu heelantay, waxaanu  ku nuuxnuuxsaday in aanay dawladda Itoobiya cidna ka aqbalayn in ay qashqashto degganaanshaha ka jira Somaliland haddii ay tahay shakhsi, koox iyo dal kaleba.
Qunsulka Guud, waxa uu ka hadlay  sida dawladda Somaliland iyo dadkeeda oo ka soo doogay dagaallo ay ugu guulaystaan inay dhistaan dawlad leh nidaam dimuqraadiyadeed, ayna ugu xaqiijiyeen horumar, nabad iyo deggenaansho waqti aad u gaaban, waxaanu xusay in ay arrimahaasi ka mid yihiin waxyaabaha ay ku caan baxday Somaliland ,isna uu xaggiisa  u bandhigo beesha caalamka.
“Waxa  uu sheegay inuu aaminsan yahay in ay dadka iyo dawladda Somaliland u qalmaan taageero ballaadhan oo caalami ah iyo gacanqabadba maadaama ay wax badan ka qabteen hagaajinta nabada iyo degganaanshaha qaybtani  ka mid ah gobolka Geeska Afrika ee uu  ka jiro qalalaasuhu, taasina ay tahay sababta dawladda Itoobiya ay ugu   hadasho uguna doodo dhammaanba hawlaheeda diblomaasiyadeed  baahida loo qabo in ay beesha caalamku ay u fidiso taageero maaliyadeed oo macno leh, Somaliland iyada oo aan  loo eegayn siyaasad, taasi ay keentay  in la siiyo dawlada taageero maaliyadeed oo toos ah.
“Arrintani waxa ay muujisay natiijo dhiirigelineed , waxaanay beesha caalamku bilowday  in ay toos u siiso dwladda Somaliland taageer miisaaniyadeed  oo ay ku hagaajiso adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaale iyada oo la marinayo qorshe howleedka gaarka ah ee Somaliland, “ayuu yidhi Qunsulku.
Dhinaca ka faa’iidaysiga korontada Itoobiya mar uu ka hadlayay  waxa uu sheegay in ay magaalada Wajaale ku diyaar tahay koronto ah  9 mega watts, ayna dawladda Somaliland  ku hawlan tahay sidii looga faa’iidayn lahaa, isla markaana uu ku niyadsan yahay in la arki doono sannadaha 2015/2016 korontada Itoobiya oo lagu isticmaalayo Somaliland.
Janaraal Berhe oo ka jawaabaya su’aal ah siyaasadda Itoobiya ee ku waajahan dadka  dhibaatada ka geysta Somaliland ee u  gudba xuduudeeda, gaar ahaan gobolka Soomaalida (zone 5) oo  ay  ka mid yihiin Cali Khaliif iyo kooxdiisa, waxa uu yidhi,
“Waxa ay  tahay in la fahmo inay siyaasadda rasmiga ah ee Itoobiya  ayna oggolayn qof, koox ama dalba inuu xasaradeeyo Somaliland ha ahaatee gudaha xuduudda ama meel kaleba, iskaba daa inuu u soo baxsado oo uu gabood ka helo dalkiisa.
Hase yeeshee sida aad og tahay, arrinta Khaatumo waa mid adag sababta oo ah  Dhulbahante waxa ay ku nool yihiin labada dhanba Somaliland iyo Itoobiya, isaga gudubka xuduuduna  waa wax dhaca. Waxaase Xaqiiq ah in aan ku howlanahay xallinta dhibaatadan qoys, taasi oo ay maamulkayaga Zoonka shanaadna wadaagaan sida arrinta Cali Khaliif Gelaydh iyo tan dhawaan timi ee Suldaanka Gadabuursi ee dhibka ka abuuray gobolka Awdal, ka dibna u soo baxsaday Jigjiga oo ay degaan qaar ka mid ah  ehelkiisa”.
Qunsulka Guud oo arrinta ka wada shaqaynta amniga  ka sii  hadlaya waxa uu sheegay in ay ka go’antahay in ay kala shaqeeyaan nabadda jaararkooda oo ay ku jirto Somaliland, waxaanu carrabka ku dhuftay inay dabagaleen  arrinta Suldaanka Awdal oo la sheegay  inuu ku ururiyay maleeshiyo beeleed xuduuda Itoobiya, balse aanay waxba ka helin.
Sida oo kale arrinta Cali Gelaydh waxa uu sheegay inay dawlada, Itoobiya  u fududaysay siduu dalkeeda uga bixi lahaa ka dib markii ay warar  ka heleen masuuliyiinta Somaliland  in  uu ku sugnaa Addis ababa.
Waxa uu intaa ku daray isaga  oo carrabka ku adkeeyay arrintaasi inay aad iyo aad uga go’an tahay ka taageerida Somaliland   joogtaynta amaanka jira  gudaha xuduudahooda, taasina ay digniin u tahay ciddii ku soo xadgudubta.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply