“Arrinta Suldaan Wabar Dhamaystirkeeda Salaadiinta ayaa ka soo qaadaya jawaabtii kama dambaysta ahayd, isaga ka sugi mayno”….

0
364

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay magaaladda Hargeysa dib ugu soo noqday ka dib markii uu kulamo la yeeshay Salaadiinta iyo Waxgaradka  gobolka Awdal oo uu kala hadlay adkaynta nabadgalyada dalka.
Madaxweyne ku xigeenka iyo xubno wasiirro ah oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaaladda Boorama oo ay tegeen sidii xal looga gaadhi lahaa arrimo siyaasadeed oo mudooyinkan ka jira gobolka Awdal, ayaa shalay madaxweyne ku xigeenku uu isagu ka soo laabtay Boorama, iyadaoo ay xubno wasiirro ahi weli xalinta arrintaasi u joogaan Boorama.
Weftiga madaxweyne ku xigeenka ayaa ka hor intii aanay magaaladda Boorama ka soo bixin waxay ka hadleen waxa uga suurto galay xalinta suldaan reer Awdal oo  dagaal ku baaqay iyo sidoo kale qul-qulatooyin siyaasadeed oo ka taagan Boorama.
 
Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka mid ahaa weftiga Madaxweyne ku xigeenka oo intii aanay ka soo ambo bixin magaalada Boorama warbaahinta la hadlay ayaa  faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha uga hirgelay hawshaasi.
waxaanu yidhi “Waynabaarigeen tawfiiqdaa wanaagsan ee lagula kala tagay oo lagu khaas yaalay, cidii iyadu fikradan waday la yidhi iyadaa dhabarka u ridanaysa haday  dibada ula dhoofi lahayd iyo sidii la arki jiray qof qaldamay uu umaddiisii iyo Salaadiintii iyo waxgaradkiisii u soo noqdo, oo uu yidhaahdo wixii qaladay waan ka soo noqday fidnadii socotayna waan ka baxay, waxaanan ka mid ahay umadda wayn ee Salaadiinta iyo shacbi weynaha  leh ayaan ka mid ahay.
Wasiirku waxa uu sheegay inta  Suldaan Wabar dhuumaalaysiga ku jira uu yahay khaayin wadan, waxaana uu yidhi inta uu dhuumaalaysiga ku jiro xaga xukuumadda in kastoo aanu ku wareejinay madax dhaqameedka, waxa uu yahay qof ku kacay khiyaama wadan.
Waxaanu yidhi “Abaalmarintiisuna wixii sharcigu ku jidaynayo oo dad horena dembigooda lagu qaaday  buu kala mid yahay, doorashaduna isagay u taalaa in uu yidhaah sidaas ayaan dan mooday oo dabadeed khabarada isku xidhan ee dibadaha ayaan adeegsanayaa, dabadeed sidaas ayaan wax ku  jaalit garaynayaa oo xukuumada iyo shacbi waxay damceen wax ka badalan ayaan wataa haduu ku adkaysto wixii nasiibkiisu siiyo ayuu ka qaadayaa dalkana waxa uu ka yahay qof cahdigii yaalay buriyay oo jabiyay oo ku gafay ayuu noqonayaa.”
Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu tilmaamay in soo afjaridda arrinta suldaan Wabar ay  u xil saareen xubno salaadiin iyo madax-dhaqameed ah. isagoo xusay in haddii uu suldaan Wabar isa soo dhiibi waayo ay awood dawladeed ku muquunin doonaan.
“Haddii uu isa soo dhiibo oo yidhaahdo muwaadinkaas ayaan ahay  oday   dhaqameed baan ahay, umaddana nabadgalyadeeda ay u soo martay wadada dheer way iga nabadgalaysaa uu yidhaana, dhamaystirkeeda Salaadiinta ayaa  ka soo qaadaya jawaabtii kama dambaysta ahaydna waxa aanu ka sugaynaa Salaadiinta, isaga ka sugi mayno Idaacadaha ka sugi mayno” ayuu yidhi wasiirku.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa mudadii uu Boorama ku sugnaa kulamo kala gooni gooni ah la yeeshay duqayda iyo waxgardka gobolka Awdal ee ku sugan agaalada Boorame.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kulankii u dambeeyey ee albaabadu u xidhnaayeen la qaatay hogaamiye dhaqameedka iyo waxgaradka magaalada .
kulankan oo ka dhacay Huteel Rays iyo Guriga Madxweyne ku-xgeenka ee magaalada Boorame ,ayaa la sheegeyaa in m/weynekuxigeenku dadkii uu la kulmay kala hadlayey arrimaha amniga ,,tabashooyinka ,iyo xaaladda gobolka ee u sababay hogaamiye beeleedka ku dhawaaqay dagaalka. Kulammada uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici la yeeshay waxgaradka deegaanka gobolka awdal,ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa kulamo uu la qaatay maamulayaasha dugsiyadda degmada Boorame oo uu kala hadlay ilaalinta iyo adkaynta ammaanka guud ee degmada Boorame.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply