Maxay Ka Yidhaahdeen Heshiiskii Ay Jabuuti Ku Gaadheen Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya

0
403

Jabuuti (Dawan):  Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu xil iska saaro sidii loo fulin lahaa heshiiska ay labada dal wada gaadheen.
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad lagu shaacinayay heshiis iskaashi oo dhex maray dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya oo shalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda dalka Jabuuti.
 
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay sida Jabuuti mar walba ay  u soo dhaweyso iyo sida ay wanaaga ula jeceshahay Soomaalida oo dhan, waxa uu yidhi “Waxaan uga mahad naqayaa  dawladda Jabuuti sida qiimaha iyo qaayaha leh ee naloo soo dhaweeyay iyo dedaalka ay mar walba muujiyaan ee shacbiga ay walaalaha yihiin ee Somaliland iyo Soomaaliyaba, oo wanaagooda iyo horumarkooda ay ka shaqeeyaan  arrintaas aad iyo aad ayaan uga mahad celinayaa waanan ku bogaadinayaa.”
 
 
Waxaanu intaasi ku daray “Walaalkay Xasan Sheekh (Madaxweynaha Somaaliya) waxaan leeyahay waa inaynu fullinaa isfahamka iyo heshiiskaas aynu gaadhnay oo wixii aynu wada qabsan karno ee iska kaashan karno aynu iska kaashanno. Annagu haddii aanu reer Somaliland waanu fulinaynaa waxa lagu heshiiyay Inshaalaahu wanaag, wada shaqayn iyo walaalnimo ayaynu isku ognahay.”
 
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sh. Maxamuud oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in wada hadaladda u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya sii socdaan, waxaanu balan-qaaday inuu ka shaqayn doono fulinta  qoddobada lixda ah ee lagu heshiiyay.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo dhigay gogosha wada hadalada labada dal ayaa sheegay inuu juhdi iyo dedaal badan u gelin doono sidii uu kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaa sidii si mug leh loogu gondo degi lahaa wada hadalada labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya.
 
“Waxa ii farxad ah inaad halkan fadhideen muddo laba maalmood ah oo aad heshiis kala saxeexateen, wada haasowdeen. Annaguna waxaan rajaynayaa inaanaan ka baaqsan doonin inaanu noqono walaal mar walba idin dhinac taagan tamar iyo nafaqo labadaba,”ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
 
 
Madaxweynaha Jabuuti waxa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyay  labada madaxweyne ee heshiiska kala saxeexday iyo wufuudii labada dhinac ka kala socotay.
 
Weftiga Somaliland  ee Madaxweynuhu hoggaaminayay waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Arrimaha dibadda, madaxtooyadda, Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Guddoomiye Ku xigeenadda koowaad ee Goleyaasha Guurtidda iyo Wakiiladda, Xildhibaano ka tirsan Wakiiladda, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha iyo marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina waris Maxamed Jirde.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply