Maxkamad Midowga Yurub: Dadka Buuran Oo Sida Naafada loola Dhaqmayo

0
390

Maxkamadda ugu saraysa midowga Yurub ayaa maalintii khamiista soo saartay sharci dadka buuran loola dhaqmayo inay yihiin naafo, kaasi oo mamnuuc ka dhigaya in lagu sameeyo takoor dhinaca shaqada ah. Go’aankan aya yimi ka dib markii su’aal laga keenay maxkamad Denmark ku taal oo wakhtigan uu hor yaalo cabasho uu u gudbiyay Carsten Kaltovi oo shaqada golaha deegaanka  looga erayay buurnidiisa.  Carsten Kaltovi ayaa miisaankiisu gadhay 160 Kg waxaana la sheegay inay taasi tahay sabab u tahay shaqa ka caydhintiisa. Arintan ayaa noqotay takoorid iyo cunsuriyad ku waajahan dadka buuran. Golaha deegaanka ee Denmark aya arintaasi beenayay. Haddaba Makamadda Midowga Yurub ayaa iyadu soo saartay go’aan lagu mamnuucay in dadka lagu takooro buurnida iyo cayilkooda.  Maxkamadan oo ku taalla Luxemburg aya sheegtay in sharciga shaqada ee mdiwoga Yurub aanay ku jirin wax u diidaya dadka buurani inay sheqeeyaan. Maxkamadda aya sheegtay in haddii cayilka qofku aanu u saamaxayn inuu qabto shaqada ay qabanayan shaqaalah kale ee la midka ah taasi ay noqonayso in loola dhaqmo sidii qof naafo oo la tixgeliyo, isla markaana aana shaqada laga eryi Karin.

Leave a Reply