SHANTA NIN EE UGU TAAJIRSAN DALKA HINDIYA SANNADKII 2013 KII IYO QADARKA LACAGA EE AY HAYSTAAN

0
383

Badweynta dhaqaalaha ayaa ah mid midaad aragtaaba ay ta kale ka yaab badan tahay, waxaynu qoraaladeenan Xulashada Dhaqaalaha kusoo qaadanaa mawduucba mawduucuu ka soo jiidasho badan yahay kuwaas oo lagu daabaco mareegaha ka hadla arrimaha dhaqaalaha.
Waxaynu qormadeenan kusoo qaadanaynaa Shanta nin ee dalka Hindiya ugu hantida badan (Milyarneersan), waxanay kala yihiin sidan:
1.Ninka ugu hantida badan dalka Hindiya ee ugu Milyarneersan ayaa lagu magacaabaa Mukesh Ambani, iyadoo hantidauu haysto lagu qiyaasay inay dhan tahay $21.5 Billion iasagoo marka aduunka loo eegana kaga jira kaalinta 22 aad, waxaanu ka ganacsadaa oo hantidan ay kasoo gashay waa nin ka ganacsada gaasta iyo saliida, wuxuuna sidaasi ku galay inuu noqdo ninka ugu hantida badan dalka Hindiya sanmadkii aynu soo dhaafnay ee 2013ka.

  1. Ninka kaalinta labaad ku jira dadka ugu Milyarneersan dalka Hindiya ayaa lagu magacaabaa Lakshmi Mittal , iyadoo hantidauu haysto lagu qiyaasay inay dhan tahay $16.5 Billion isaga oo ah maamulaha guud ee sharkadaha biraha ee lagu magacaabo Arcelor Mittal,waxa uu sidoo kaleeto sheer ku leeyahay kooxda kubada cagta ee ka ciyaarta horyaalka dalka Ingiriiska ee lagu magacaabo Queens Park Rangers.
  2. Ninka kaalinta Saddexaad ku jira dadka ugu Milyarneersan dalka Hindiya ayaa lagu magacaabaa Azim Premji , iyadoo hantidauu haysto lagu qiyaasay inay dhan tahay $11.2 Billion waxa uu yahay maamule maamula sharkada Bangalore India.
  3. Ninka kaalinta Afaraad ku jira dadka ugu Milyarneersan dalka Hindiya ayaa lagu magacaabaa Dilip Shanghavi , iyadoo hantidauu haysto lagu qiyaasay inay dhan tahay $9.4 Billion, waxa uu leeyahay sharkadaha ay ka midka yihiin ta soo saarta daawooyinka ee lagu magacaabo The Sun Pharma oo hadda ah sharkada ugu horaysa xagga faaiidada.
  4. Waxa kaalinta Shanaad ku wada jira laba nin oo walaalo ah kuwaas oo ku jira dadka ugu Milyarneersan dalka Hindiya kuwaas oo lakala yidhaahdo Ravi iyo Sashi Ruia , iyadoo hantida ay  haystaan lagu qiyaasay inay dhan tahay $8.5  Billion, waxay yihiin mulkiilayaasha sharkada Predominant Essar Group, waxayna kaalinta 131 ay kaga jiraan dadka ugu milyarneeraysan aduunka.

Leave a Reply