Taageerada Guddi-Beeleed mise Kasbashada Aqlabiyadda Golaha-Dhexe ee Xisbiga, Midkee lagu noqdaa Murashaxa Madaxweyne??

0
182

Muddo hadda laga joogo 12 sano (December 2002), waxay ummadda JamSomaliland qaateen Nidaamka Dimuqraadiyadda iyo Hannaanka Xisbiyada Badan. Ujeedada ugu weyn ee arrintaa laga lahaa waxay ahayd in bulshadeennu kaga gudubto qaabkii fikirka siyaasiga bulshada ee ku salaysnaa in Qabiil iyo Reer-hebelnimo la isu raaco. Ujeedada kale ee Hannaanka Xisbiyada Badan laga lahaa waxay ahayd in la xaqiijiyo xuquuqda Distooriga ah ee uu leeyahay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah, taasoo xaq u siinaysa inuu si xor ah oo madax-bannaan wax u dooran karo isaga oon doorashadiisa ku salaynin hab-beeleed iyo hayb-hayb reernimo.
 
Aad baan u soo dhaweynayaa Hanka iyo Himilada Murashaxa Madaxweynenimo ee ay leeyihiin saddex nin oo ah masuuliyiin, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno magac iyo miisaan culusba leh, kuwaasoo kala ah: Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka KULMIYE Muj. Muuse Biixi CabdiWasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulcasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimha Dibedda Mudane Maxamed Biixi Yoonis. Saddexdan nin waa seddex masuul oo isku-beel ah, isku Xisbi ah isla markaana mug iyo miisaan culusba ku leh bulshada Somaliland dhexdeeda. Sida uu qof kasta oo muwaadin ah oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye uu xaqa ugu leeyahay inuu Xisbiga dhexdiisa ka tartami karo, ayey saddexdan masuulna uu mid walba xaq u leeyahay inuu Xisbiga Kulmiye dhexdiisa u tartamo jagada Murashaxa Madaxweyanaha, taasna waxaa u jidaynaya xaqna u siinaya Distoorka Qaranka iyo Xeerarka u dhigan Xisbiga Kulmiye.
 
 
Haddaba, 3 nin oo siyaasiyiin ah oo isu Beel ah (Sacad Muuse) kana wada tirsan Xisbal Xaakimka oo doonaya inay u tar-tamaan jagada Murashaxa Madaxweyanaha ee Xisbigooda, miyeyna ahayn ceeb iyo wax aad looga xishoodo in qayb ka mid ah Guddi- Horumarineed oo ay Beeli leedahay oo aan haba yaraatee wax Siyaasad ah shaqo ku lahayni ay haddana yidhaahdaan: “Annagaa saddexdan masuul kala reebayna oo waxaanu go’aansannay in looga hadho Muuse Biixi Cabdi!” Hab-dhaqankan noocan ahi miyaanu gef, maangad iyo meel ka dhacba ku ahayn dhammaanba bulshada Somaliland, Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Xisbiyada Badan, Xisbiga Kulmiye iyo weliba Beesha lafteeda!!
 
Go’aan Qaldan oo la Qaatay Xilli Qaldan!!
Go’aanka ay qaateen 14 xubnood oo ka mid ah Guddidii-Horumarinta ee Hoodaale wuxuu ahaa go’aan guud ahaanba lagu mijo-xaabiyey oo lagu af-gembiyey hannaanka Dimuqraadiyadda iyo nidaamka Xisbiyada badan ee dalkeenna ka hirgalay muddo haatan laga joogo 12 sano. Wuxuu ahaa go’aan xambaarsan dhib iyo dhiillo hor leh oo gebi ahaanba baal-marsan nidaamkii ay bulshada JSL ku soo tanaadeen ee ahaa wada-tashiga, isu-tanaasulka iyo in la ilaaliyo wada-noolaashaha bulshada walaalaha ah. Wuxuu ahaa go’aan horseedi kara isku-dhac iyo aafo-Qaranoo dib innoogu celin kara nidaamkii aynu ka soo gudubnay ee hab-beeleedka iyo hayb-haybta reernimo. Wuxuu ahaa go’aan dhaawac weyn iyo sumcad xumo laxaad leh gaadhsiiyey Xisbal Xaakimka KULMIYE, M/weynaha talada haya ee aanu weli xilligiisii dhammaan iyo Xukuumaddiisaba. Go’aanka ay qaateen 14 xubnood oo ka mid ah Guddidii-Horumarinta Hoodaale, wuxuu dhaawaca iyo sumcad-xumada ugu culus gaadhsiiyey Beel-weynta Sacad Muuse lafteeda, taasoo waxyeello weyn u geysan doonta iskaashiga iyo is-aaminka Beesha dhexdeeda ee dhincyada dhaqanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo horumarkaba.
 
Ninkii u Han weyn Hoggaanka Dalka, Hankiisu ha Dhaafo reer Hebel!!
Bal aynu si dhab ah isu weydiinee, ma Beelbaa soo saarta Murashaxa jagada Madaxweynaha, miseaqlabiyadda Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaa soo saara ama lagu noqdaa Murashaxa Madaxweyanaha??  Waxa kale oo iyadna isweydiin mudan, ma jiraa Qabiil ama Beel ka mid ah beelaha ku nool dalka  JSL oo iyagu odhan kara annagaa ugu badan ummadda JamSomaliland oo waxaanu nahay 51% ama in ka badan marka la eego dadka ku nool JSL?? Waa kee qabiilka iyagu kaligood cod ku soo saari kara Murashaxa u tartamaya jagada M/weynenimada iyagoon taageero ka helin bulshada kale ee ay nolol wadaagta yihiin?? Guddi- Horumarineed oo ay Beeli leedahay oo aan wax Siyaasad ah shaqo ku lahayni, miyey ku fadhiisan karaan kuraasidii Golaha Dhexe ee Xisbi ummadda oo dhan ka dhexeeya?? Yaa xaq u siiyey ama go’aamiyey in Murashaxa Madaxweyanaha ee Xisbiga KULMIYE uu ka soo baxo Beesha Sacad Muuse oo keliya? Xisbiga KULMIYE miyaanu ahayn Xisbi Qaran oo ka wada dhexeeya dhammaan Ummadda JamSomaliland?? Hab-dhaqanka noocan ahi miyaanu nusqaan weyn ku ahayn garaadka iyo damiirka ummadda Somaliland oo iyagu doorbidday inay noqdaan bulsho  ku dhaqanta nidaamka Dimuqraadiyadda?? Bal aynu is weydiinee maxaynu uga guurnay nidaamkii hab-beeleedka ee aynu u qaadanay nidaamka Dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan??
 
Haddaba, nin siyaasi Qaran ah oo doonaya inuu noqdo Murashaxa Madaxweynaha oo ummaddana hadhow cod ka doonaya, oo laga yaabo in maalin maalmaha ka mid ah isaga loo doorto Hoggaamiyaha Qarankan, miyaanay nasiib darro inteeda leeg ahayn in weli hankiisa iyo damaciisa siyaasadeedba ay ku salaysan yihiin Reer-Hebelnimo!!Hoggaamiye Xisbi Qaran oo qawaday Xisbigiisii, oo ka maagay inuu si xor iyo xalaal ah uga dhex tartamo Golaha Dhexe ee Xisbiga uu isagu Guddoomiyaha ka yahay, ma kula tahay inuu taageero ju-juub ah oo ay ugu yabooheen Guddi-Horumarineed oo Beeshiisa ah oo aan shaqo ku lahayn siyaasadba, uu ku hanan karo Hoggaanka dalka ugu sarreeya amma uu ummadda sidaa ku hoggaamin karo?
 
Gaba-gabo:
Guntii iyo gaba-gabadii, Hanka iyo Himilada Murashaxa Madaxweynenimo ee ay leeyihiin saddexda siyaasi ee Muj.Muuse Biixi Cabdi; Wasiir Cabdulcasiis Maxamed Samaale iyo Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa habboon inay aad iyo aad uga taxadiraan inay kala qaybiyaan beesha ay ka soo jeedaan iyo Xisbiga Kulmiye ee ay ka tirsan yihiinba. Haddii ay dhacdo in damacooga siyaasiga ahi uu kala qaybiyo Xisbiga ay ka tirsan yihiin iyo shacab-weynaha Somaliland ee ay hadhow codka ka doonayaan, ha ogaadaan inaanay marnaba ku guulaysan doonin inay ka rumeeyaana Hanka iyo Himilada siyaasadeed ee ay saddexdan siyaasi leeyihiin.
 
Ugu dambayntii, Guddidii-Horumarinta ee lagu magacaabay shirkii Hoodaale ee ka dhacay Agabar, xilkii iyo masuuliyaddii ugu mudnayd ee shirweynaha loogu igmaday waxay ahayd inay ka shaqeeyaan arrimaha horumarinta Beesha iyo inay wax ka qabtaan wixii baylah ah ee jira. Laakiin, waxay si cad uga leexdeen hawshaa loo xil-saaray waxayna ku dhaqaaqeen oo ay fara-galiyeen arrin siyaasadeed oo aan haba yaraatee iyagu loo igman wax shaqo ahna aanay ku lahayn. Guddidii-Horumarinta ee Hoodaale waxay sababeen is-maandhaafkii iyo kala-qaybsanaantii ugu cuslayd ee taariikhda Beel-Weynta Sacad Muuse soo marta. Go’aanka ay qaateen 14 xubnood oo ka mid ah Guddidii-Horumarinta Hoodaale waxay sii murgin doonta iskaashiga iyo is-aaminka Beesha dhexdeeda ee xagga dhaqanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo horumarkaba. Sidaa darteed,waxaa habboon in la kala diro oo la baabiiyo Guddidii-Horumarinta ee Shirweynihii Agabar,maadaama ay lumiyeen kalsoonidii iyo taageeradii aqlabiyadda Beel-Weynta Sacad Muuse….. (…….)
 
(La soco Qaybaha Dambe, INSHA ALLAH)
 
ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,
 
W/Q:  Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here