Waa maxay waxa aynu ka doonayno ama ka rabno ruuxa aynu ku sharfayno in uu hogaanka inoo qabto oo aynu ku daba faylno?

0
766

Waxaan  halkan ku soo qoray qoraal aan ku cabirayo siyaasiyiinta maanta joogtaa mucaarad iyo muxaafadba dhaqanka labartay ee ah aflagaadada iyo af xumada
warbaahinta laysku marinayo in laga waantoobo oo ummada wax udan ah laga hadlo. Qarankan kii waxtarayoow qorshe iyo plaan keen
Maalmahan waxaa dhegeheena iyo indhaheenaba ku badatay hadal haynta iyo higsiga doorashooyin xor ah oo kadhaca dalkeena taas oo ay dad badani utafa xayteen in
ay ka qaybqaataan.
Hadaba  waxaa mudan in aan iswaydiino su,aalo dhawr ah oo ay ugu horayso
Waa maxay waxa aynu ka doonayno ama karabno ruuxa aynu ku sharfayno in uu hogaanka inoo qabto oo aynu ku daba faylno?
Waxaa hubaal ah in dalkeenu ubaahan yahay hogaan karti iyo hufnaan leh,kuna sifaysan akhlaaq wanaagsan,daacadnimo,dulqaad iyo aragti fog oo khibrad iyo dawladnimo ku dhisan.
Intaas oo astaama ah iyo sifooyin wanaagsan oo kale hadii aynu doonayno in aynu ku xulano ruuxa aynu caleema saarayno waxaa laga maarmaan noqonaysa in aan qiimayn dhinac kasta ah ku samayno dadka u rooraaya in ay mas,uuliyada culus ee ummadda dusha ku qaataan.
Qiimaynta iyo kala saariduna waxa ay imanaysaa marka uu musharax kastaa soo bandhigo badheedhihiisa iyo waxa uu lashir imanayo isaga oo si faahfaahsan u kala
dhigaya barmaamushkiisa isla markaana ay ka muuqato aqoon iyo waayo aragnimo.
Laakiin aanay noqon waxa lasheegayaa oo qudha in ladaba galo dhaliilaha
dawlada iyo in wax laga sheego mas,uuliyiinta hadba xilka haya maxaa yeelay hadii aad maanta waxba reebi waydo oo aad afkaaga mugii caytanto adigana beri markaad xilka qabato caydii iyo aflagaadadii halkii uun bay kuu taala.
Markaa waxaan odhan lahaa hala kala saaro dhaliisha jirta in la sheego si toosin iyo
tilmaam ah iyo xagxagashada iyo xurma darada mas,uuliyiinta qaranka lagula
kacayo taas oo habeen iyo dharaar laga daldalayo tv yada iyo ilaacadaha kala
duwan islamarkaana laysku nacsiinayo dadwaynaha iyo hogaankooda.
Waxaanan odhan lahaa dadka utaagan in ay umadan xil uqabtaan waxaad dalkiina iyo
dadkiina wax kaga bedelaysaan soo bandhiga dhaliil  kaliyi kuma filna
in aad ku kasbataan quluubta
codeeyayaasha balse wax lataaban karo ayaa muhiim ah in aad soo bandhigtaan.
Waxaan idhi anoo taas qalbiga aan ku haysto Qasdiga iyo ujeedada hadaan hadalka kala qalo Qarankan aynu dhisanay qurixdiisu waxay tahay Dadku inay qiyaasaan qiimayna saaraan Qofka ugu haboon ee hogaanka ay kadhigayaan Iyaga oo ku xulaya qorshaha uu sameeyiyo Qawlka uu yidhaahdo iyo qofnimadiisa gaarka ah Qarankan kii wax tarayoow qorshe iyo plan keen Midnimada dadkaaga iyo dalkaagana ilaali.
waxaad igala soo xidhiidhi kartaan phone
Eng- Cali Xasan Maax
number: 0634447334
 
 

Leave a Reply