Guddoomiye Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Heshiiskii Somaliland Iyo Soomaaliya Ku dhex maray Jabuuti

0
370

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay  hadal ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo xukuumadda u soo jeediyay inay faahfaahin ka bixiso qodob ka mid ah wixii ka soo baxay heshiiskii toddobaadkan dalka Jabuuti  ku dhex maray dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.
Muuse Biixi Cabdi oo shalay  warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in aanay  gor-gortan geli karin  qadiyadda madax-banaanidda Somaliland, waxaanu ku tilmaamay in madaxweynaha Jabuuti xogogaal ka yahay qadiyada ka dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya.
waxaanu yidhi “Jabuuti waa dal ahaan waa dalkii ugu haboonaa in arrinta Soomaalida gasho. Madaxweynaha Jabuuti waa qofka qudha ee madaxweynayaasha caalamka ugu xogogaalsan, waxa ay isku hayaan Somaliland iyo Soomaaliya taariikh ahaan iyo siyaasi  ahaan waa madaxweyne intaba garanaya ee xogteeda og.
Markaa waxaan isleeyahay cid arrintaa ka garnaqda oo  kaga habooni ma jirto, arrinta Somaliland  iyo Soomaaliya markii waxay ka bilaabmatay  shirkii London, mar dhexe ayaa loo soo maray Turkey oo aan xogogaal  u  ahaan qaddiyada ka dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, waxaan ku ogaaday shir Turkey lagu qabtay oo uu goobjoog ka ahaa Raysal Wasaarihii Turkey ee wakhtigaas oo imika Madaxweynaha ah, waxa uu ahaa nin dhinac qudha haya  qaddiyadooda oo muu ogayn waxa lasku hayo, maalintaas madaxweyne Siilaanyo ayaa si adag u garnaqsaday dabadeedna wuu fadhiistay madaxweynaha Turkigu oo wuu yaabay in qaddiyada intan le’egi  jirto ayuu ogaaday, taasi waxay muujinaysaa in aanu xogogaal ahayn, kolkaa arrintan waxa aad xogogaal u ah cida ugu dhaw oo Jabuuti koow ka tahay, markaa madaxweynaha Jabuuti waxa aan ku dhiirinayaa in aanu gacanta kala bixin, maadaama uu xogogaal yahay jaar ahaan iyo dal ahaanba iyo IGAD ba.”
waxa   kale uu tilmaamay in gorgortan gali karin qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaana uu yidhi “Shirkii Jabuuti ka dhacay iyo qodobadii ka soo baxay intii hore ayuun bay ahaayeen, qodob ayaa jira oo la yidhi dib ha loogu noqdo,  ee hawada, qodobka qoladan mucaaridka  ee Waddani leeyahay ha la bayaamiyo wax looga jeedo hoos u daadaga, waa cad yihiin, hal qodob ayaa Somaliland u guntan oo aynu ka midaysan nahay ama mucaarad ama muxaafad waxan laga  wada hadlayaa waa in ay   ku dhamaataa Somaliland oo dal xora oo ay ictiraafaan qolada Xamar joogtaa, taa hadii la waayo wada hadalku wuu iska dhamaanayaa meel kale oo loo gudbana ma leh. Waxa kale  oo laga sii wada hadlana  ma leh, nin jecel iyo nin diidanba halkaas ayay fadhidaa, gorgortan ma leh wax ba yaan la daalin caalamka  waa inay ogaataa, ama Yurub ama Afrika  ha ahaatee Somaliand waa dal xora oo 1960 madaxbanaanidiisa la soo noqday, markaa wax laga baadh baadhaana ma jirto.”
Dhinaca kale Muuse Biixi waxa kale oo uu soo dhaweeyay go’aankii gudidda horumarinta  beesha Sacad Muuse ku taageereen murashaxnimada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, madaxweyne Siilaanyo ka dib, waxaana uu yidhi  “Ilama  aha in korka wax laga dhigo waxay ila tahay in siyaasada Somaliland ku dhisan tahay gunta oo arrimaha laga  soo bilaabo. Sidaas darteed waxay ila tahay markay tahay wax siyaasi ah, waxa wanaagsan  in laga soo dhigo  degmo degmo, gobol gobol, dabadeedna heer qaran.
Markaa anigu waxaan u arkaa inay sax tahay in deegaan ama degmo soo bilawdo ka xulidda odayaashan waxa aan ka mid ahaa dadkii ay  wareysteen ee waliba yidhi  ‘wixii aad goysaan waan ogolahay’. Haddii ay go’aankan gaadheen waan uga mahadnaqayaa”.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply