“Suldaan Wabar Waxaanu u Aqoonsan Nahay Nin Qaran Dumis Ah Oo Khaa’inul Wadan Ah”

0
362

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo dhawaan ku dhawaaqay erayo ka dhan ah qarimadda iyo jiritaanka Somaliland uu ka horyimid Axdi qarameedkii Sannadkii 1993-kii Magaaladda Boorama lagu dhisay Dawladdnimadda Somaliland, waxaanu tilmaamay in Xukuumad ahaan ay u aqoonsadeen nin qaran dumis ah, isla-markaana Khaay’inul waddan ah.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo shalay magaaladda Hargeysa waraysi ku siiyay Telefishanka qaranka Somaliland waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay tahay Waddan horumary oo aan lagu dumin-karin hadal Shahkhsi ka soo yeedhay.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Sidaad la socoto Gobolka Awdal waxa ku soo korodhay xaaladd aan laga filayn, laba arrimood oo dhaqanka reer Awdal ku cusub ayaa halkaasi ka soo baxay, Awdal iyadda oo ahayd Goboladdii Nabadda ee Dagaalkii sokeeye ee dhacay waa Gobolkii koowaad ee Nabada qaatay, iyadda oo Dadka walaalaha ahi is laynayeen Gobolkii Go’aankii ugu adkaa qaatay ayuu ahaa Gobolka Awdal. Arrinta koowaad ee lama filaanka ahi waxay noqotay in maanta la yidhaahdo Awdal Jabhad-baa ka abuurmaysa oo ah mid aan laga filayn reer Awdal oo horumarkii iyo Nabaddii ay 1991-kii reer Awdal qaateen lagu soo socdo in qarankii 21 Sano ka hor ay reer Awdal qaateen inay dhinac u dhaafaan waxay noqotay arrin aad loola yaabo, waxa kale oo mucjiso labaad noqotay si aan dhaqan u ahayn Somaliland oo aan looga baran in Suldaan ku dhawaaqo inuu Qori qaato oo Jabhad noqdo, sababtoo ah waxa inta badan Colaad ku baaqaa waa Nin Siyaasi ah oo mar walba Mansab ku raadiya, laakiin la inoogama baran Suldaanku-na mar walba waxa uu ka taliyaa Nabad iyo isku soo dhaweynta Dadka, taasina waxay noqotay Qodob aan la filayn oo halkaasi (Awdal) ka soo muuqaday.”
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in Suldaan Abubakar Cilmi Wabar ay u aqnoosadeen Nin Qaran dumis ah, isla-markaana Khaa’inul wadan ah, waxaanu yidhi “Labadaas arrimood ee is biirsaday darteed waxa dhacay in Wafti hor-dhac ah aanu u dirno Gobolka Awdal arrintaasina aad loo buun-buunin si hoosena loo xaliyo ayuu ku tallo-galku ahaa, Bini’aadam baynu nahay Nin kasta oo inaga mid ahi Reer-buu ka soo jeedaa Qabiilku-na waa wax inagu suntan oo wax laga war-wareegi karo maaha, waxaanu ku bilawnay in Jufaddii uu ka soo jeeday ay hawshiisa gasho, Somaaliduna waxay ku maahmaadaa Nin waalan Tollkii-baa u miyir qaba arrintaasi waxay nagu yara fogaatay runtii. Markii ay arrintu jiitantay ka dib baanu anagu tagnay Boorama, tii-baa markaa noqotay in Ummaddii aanu nidhaahno waxaasi maanta wax Shacabka reer Somaliland inaga qabta maaha Ninkaasina (Suldaan Wabar) arrintiisu mid ku fadhida tabashaddii ay qabeen reer Awdal maaha, Qofka Muwaadinka ahina isaga oo Somalilander ah buu wax tabanayaa, laakiin Ninkaasi waxa uu ka baxay heshiiskii ay Umadda reer Somaliland ku heshiisay oo ahaa Somaliland in la wadda dhisto oo Qaran Mustaqabal leh aynu noqono, cidii ka baxda Axdii Qarameeddkii 1993-kii waxa uu ahaa cidii ama reerkii ka baxa in Somaliland oo isku dhan ay gacan isku mid ah saarto, markaa Ninkani waxa uu ka baxay Xayndaabkii heshiiskii Umadda reer Somaliland, waxaanu maanta u aqoosanayn Nin Qaran dumis ah oo Khaa’inul Wadan ah isaga iyo wixii la socdaba ayuu noogu astaysan-yahay, Markaa waxa uu ka baxay sidii awalba in badan ay uga falaagoobi-jirtay Somaliland. Somaliland-na maanta waa Dal qaan-dhaagay oo 23- 24 Sanno jiray oo Qof iyo laba dumin-karayaan runtii maaha.”
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay eedo ay Xisbiyadda Mucaaridku u jeediyeen hawl-galka dhinaca amaanka ee ay Ciidamadda amaanku ka wadaan Gobolka Awdal, waxaanu sheegay in aan la Siyaasaddayn arrimaha amaanka, waxaanu yidhi “Xisbiyadda Mucaaridkuna aad bay u khaldan-yihiin inay meel walba wax ka dayaan maaha, Qofku marka uu tartamayo wax kale inuu ku tartamo weeyaan, hawsha Amniga waxa loo igmadday Xukuumadda kolba taladda haysa. Ciidamadda Qarankana laba arrimood-bay Dawladduhu u samaystaan  oo ah inay ka difaacaan duulaan dibada kaga yimaadda, marka labaad-na waxa loo abuuraa Nabad-gelyadda inay mar walaba Xasiliyaan oo meel kasta oo ay dhibaato ka dhacdo Nabad-gelyo ka abuuraan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply