Machadka shaqaalaha Dawladda oo Sumcad Caalamiya u soo Jiiday Somaliland

0
408

Hargeysa(DAWAN)-Machadka shaqaalaha dawladda oo horusocod balaadhan ka sameeyay kobcinta iyo kaalin gelinta tababarka iyo kor u qaadista aqoonta shaqaale weynaha dawladda Somaliland, ayaa xiligan Somaliland u soo jiiday sumcad caalami ah, ka dib markii uu Agaasimaha machadka shaqaalaha dawladda ee (CSI) Prof Maxamed Mixille Boqore lagu daray Guddida sare ee Ururka maamulka dawliga ah ee barriga dhexe ee loo yaqaanno (AMEPPA). Ka dib markii ay u bogeen daraasad uu ku soo bandhigay shir ay horaantii bishan ururku yeeshay.
 
Prof. Mixile ayaa shirkaasi  ka jeediyey Cilmibaadhis Machadku ka sameeyey faa’iidooyinka tababarka iyo tayeynta shaqaaluhu u leeyinhiin dib udhiska. Iyadoo barta uu AMEPPA ku leeyahay Internetka la geliyay sawirka Prof. Mixile oo ka mid ah golaha sare ee ururka, taas oo Somaliland sumcad wanaagsan u soo jiiday.
Cilmi baadhistan oo noqotay mid aad u soo jiidatey dhammaan ka soo qaybgalayaashii shirka, taas oo keen tay inay Prof. Maxamed Mixille lagu abaal-mariyay in    lagu darro Gudida Sare ee latalinta (Board of Advisors). War kaas  oo lagu soo daabacay websiteka ururkaasi leeyahay.
Iyadoo dhowaana Cilmi baadhitan lagusoo daabici doono wargeysyo  Caalami ah oo ay ka mid yihiin ( journal of US-China Public Administration) oo ka soo baxa Wadanka Maraykanka, laguna daaboco David publishing Company. Maaha markii u horeysey ee Madaxda Machadka Shaqaalaha dawlada Somaliland ay ka qayb galaan shir Caalamiya, waxaa kan kahoreeyey oo Machadku hore uga mid noqday, shirarkoodana uga qayb galay Ururka (AAPAM) (African Association for Public Administration and Management), waxaa sidoo kale Machadku wada shaqayn laleeyahay dhowaana shirkooda ka qaybgeli doonaa Ururka Caalamiga ah ee loo soo gaa biyo (IASIA) (International Association of Schools and Institute of Public Administration).
Hadaba kamid noqoshada machadka Shaqaalaha Dawlada Somaliland uu kamid noqday Ururka  Bariga Dhexe ee  Nidaamka iyo Maamulka Dawliga ah   ( AMEPPA) oo ah shabakad dhista aqoonta iyo  xirfada, heegana u ah horumarinta nabad iyo barwaaqosooranka ee Barriga Dhexe iyada oo loo marayo nidaamka maamul Wanaaga. AMEPPA waa urur ay ka  go’an tay inuu taageero   horumarinta Ururada heer deegaan, heer gobol iyo heer caalamiba sisare loogu qaado  hawlaha adeegga dadweynaha guud ahaan  iyo Bariga Dhexe gaar ahaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply