SOMGAS Oo Xarunta Ugu Weyn Gaasta Ee Bariga Afrika Ka Hirgalinaysa Somaliland

0
522

Hargeysa(Dawan):- Shirkadda Waddaniga ah ee SOMGAS oo dalka keenta gaasta la shito iyo shooladaha  wax lagu karsado isla markaana dalka ka hawl galaysay illaa sannadkii 2009. Kii,ayaa markii ugu horraysay dalka ka bilawday dhismaha TERMINAL  ay ku soo xidhaan maraakiibta  shidaalka qaada ee dalka keenaysa GAASTA la shito iyo waliba Haamihii lagu shubi lahaa,taasoo noqon doonta xarunta ugu weyn eek u taalla Waddamada Geeska Afrika ee lagu kadiyo Gaasta la shito.
Madaxa Suuq Geynta iyo Iibka ee Shirkadda SOMGAS   Barkhad Maxamed Hurre  oo warasi gaar ah siiyay wargeyska Dawan,ayaa sheegay in  waxa ugu weyn ee ay ku hammiyayaan ay tahay in ay dalkooda ka badbaadiyaan nabaad guurka iyo xaalufinta ay dalka ku hayso dhuxusha la shito.
 
 
Waxaa kale oo uu  ka hadlay Madaxa Suuq gaynta iyo Iibka Shirkadda SOMGAS  halka ay marayso xarunta  kaydka iyo soo dejinta Gaasta la shito oo ay ka wadeen magaalada xeebta ku taalla ee  Berbera iyo illaa heerka a doonaaan shirkad ahaan in ay kafeeyaan baahida Gaas ee ka jirta dalka Somaliland iyo waddammada deriska ah.
Ugu horrayn Barkhad Maxamed Hurre oo ka jawaabayay intii ay  shirkaddooda SOMGAS shaqaynaysay waxyaabaha ay isleeyihiin dalka waad ku soo kordhiseen,ayaa ku jawaabay.
“Horta Shirkadda SOMGAS waxay ka dhalatay muwaadiniin ka damqatay dhibaatada dalka ay ku hayso dhuxushu isla markaana muddo badan ka fikirayay sidii looga bixi lahaa mushkiladda nabaad guur ee a dhuxushu ku hayso dalka,taasina waxay keentay in  in badan wax la iska weydiiyo wixii lagu bedeli lahaa ee dalka iyo deegaankaba uga wanaagsanaan lahaa dhuxusha ugu dambayna waxay muwaadiniinta isku tagtay ee shirkaddan hir galiyay  ku guulaysteen in ay dalka  ka furaan SOMGAS taas oo aan loo furin ama aanay ujeedada koowaad ahayn in lacag laga helo laakiin  mudnaanta ugu wayni ay tahay in deegaankeenna aanu badbaadino kana hor tagno nabaad guurka iyo xaalufinta ay dalka ku hayso shidista dhuxushu,daraasad laga sameeyay dalka Somaliland ayaa lagu ogaaday guud ahaan in sanad kasta la gubo ugu yaraan laba milyan iyo  todoba boqol oo geed taas oo saamayn weyn ku yeelanaysa nolosheenna isla markaana aad halkaa ka arkayso dhibaatada ay shidista dhuxushu innagu leedahay,intii a shirkadda SOMGAS dalka ka furnayd waxaanu ugu yaraan badbaadinay sanad kasta 350 kun oo geed taasoo qaybta dhirta innoo badbaaday  ay nolosheenna wax weyn ka tarayso,waxaanan doonaynaa in aanu halkaa ka sii wadno. Waxa kale oo aanu ka hor tagnay in dalkeenu uu dib uga dhaco halka uu maanta caalamku marayo sababta oo ah maanta dalka wershado kama  hir-galayaan haddii aanay jirin gaasta wax lagu karsado sababtuna waxay tahay maanta  dalka wershadaha ka   hirgalay ee shaqeeyaa haddii a saacad kaliya gaas waayaan wey xidhmayaan taasina waxay sababaysaa in ay innaga fadhiistaan intaasoo shirkadood haddii  dalkeenna laga waayo shirkad kafaysa baahida Gaas ee wershadaha dalka ka hana qaaday.”
Barkhad Maxamed Hurre oo aanu wax ka weydiinay sida ay wax uga jiraan khatarta haamaha Gaasta laga aaminsan yahay iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara.waxa uu yidhi
“Horta  waxaa jirta  kelmad la yidhi oo ah haanta gaastu wey qaraxdaa laakiin kelmadaasi waxay la mid tahay uun tii caruurta lagu seexin jiray ee caws iyo biyo ku nooshii oo ahayd mid aanay waxba ka jirin oo caruurta lagu seexin jiray, waxaa wax illaahay loogu mahad naqo ah in intii ay shirkadda SOMGAS dalka ka  shaqanaysay in aanay jirin hal kiis oo shil ah oo ka dhashay shirkadda SOMGAS haan qaraxdaana ma jirto,shooladaha aanu isticmaalaana waa qaar seef ah isla markaana casri ah oo leh hab ammaan ah, haantuna waxay leedahay waal aanay dib waxba u raacin,waxaa kale oo ka mid ah, hababka ugu wanaagsan ee la xidhiidha bad qabka sida loo adeegsado,waxaanan bixinaa tabbabarro joogto ah ka hor isticmaalka Gaasta iyo ka dibba.waxaa kale oo jirta in dadkeenu markii hore ay sas ka qabeen laakiin taasi imika  meesha way ka baxday waxaana la ogaaday in ay ka wanaagsan tahay isticmaalka dhusxusha guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalkana waa laga isticmaalaa in kasta oo wali aanay noqon mid ay dadku wada isticmaalaan. ”
 
Waxaa kale oo aanu Barkhad Maxamed Hurre Madaxa Suuq Geynta iyo iibka ee SOMGAS aanu   wediinay sanadka cusub waxa shirkad ahaan u qorshaysan  ee ay dalka ka hir galinayaan  iyo halka ay marayso Xarun  ay leehaday shirkaddoodu    laga dhisayay  Xarunta gobolka Saaxil ee Berbera,ayaa ku jawaabay.
“Horta hammigayaga koobaad ama aanu mudnaanta  ugu weyn mar walba siinaynaa waa bad baadinta deegaanka iyo ka hor tagga dhirta  dhuxusha loo shidayo oo haddii aynaan wada jir wax uga wada qaban dalkeenna ka dhigaysa mid saxae noqda oo aanay suuragal ka noqonayn in aynu nolol wanaagsan ku helno dhirta oo dalka ka dhamaataa waxay saaman ku yeelanaysaa nolosha dad iyo duunyo ee waddanka,soo noq noqoshada abbaaraha iyo roob yaraanta ,markaa anagoo taa ka duulayna waxaanu daraasad ku samaynay  sidii dalkeennu uu u heli lahaa xarun kayd  GAAS oo dalku yeesho isla markaana aynu uga faaiidaysan lahayn in aynu deegaankeenana badbaadino isla mar ahaantaana dalalka geeska afrikana ganacsi ahaan ugu gudbinno GAASTA,ugu  dambaynna magaalada Berbera ayaan ka bilawnay dhismaha TERMINAL-kii  ay ku soo xidhan layaaheen maraakiibta GAASTU waxaa kale oo aanu samaynay  haamihii gaasta,waxaana maanta gaba gabo ah oo dalkeenu hanti uu leeyahay ah xarunta  GAASTA ugu weyn ee Geeska Afrika waxaanay xaruntaasi imika tahay mid dhamaad ku dhaw sanadkan cusubna way hawl galaysaa,waxaa kale oo noo qorshaysan in dalka Somaliland oo dhan isticmaalka GAASTU uu ka noqdo  shayga koobaad ee wax lagu karsado taana waxaan ku suura galinaynaa ,kow in ay halkii dhuxushu dadka ugu jirtay  in a u gasho qiime ahaanna uga fududaato oo ay noqoto wax ar kastaba la heli karo isla markaana a wada isticmaali karaan bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan oo aanay duruuftu u diidi Karin in ay isticmaalaan dadka noloshoodu hoosayso.”
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply