Wasaarada Dib u Dejinta Oo Beenisay Eedo Musuq oo Loo Jeediyay

0
357

Hargaysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaarada dib u dajinta Somaliland Maxamed Yoonis Jibriil ayaa ganafka ku dhuftay eedayn ay u soo jeediyeen guddida daba galka hantida qaranka iyo musuq-maasaqa ee golaha wakiilada kuwaasi oo warbixin guud ka qoray hayadaha kala duwan iyo wasaaradaha dalka.
Agaasimaha guud isaga oo eedayntaa ka hadlayey waxa uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona la hayn isla markaana aan is dabaqaynin  miisaaniyada wasaarada dib u dejinta iyo eedaynta loo soo jeediyey, waxa uu agaasimuhu ku tilmaamay wasaaradoodu inay  tahay wasaaradaha ugu miisaaniyada yar wasaaradaha dalka ka jira isla markaana aanay eedayntaasi ahayn mid qabata, isaga oo xusay in guud ahaanba miisaaniyada wasaaradu ay seddex meeloodoow labo meelood ku baxdo kharashka iyo mushaaharaadka shaqaalaha islamarkaasina aanay jirin meel musuq-maasuq iyo xad gudub ku tacadi hanti ay ka soo gali karto wasaaradooda.
Agaasimaha guud oo arimahaasi ka hadlaya, isla markaana iska difaacaya eedaynta ay u soo jeediyeen gudida daba galaka hantida qaranka iyo musu-maasaqu waxa uu yidhi “gudida daba galaka hantida qaranka iyo musuq-maasaqa ee golaha wakiilladu waxaan leenahay in is dhaliil yimaado ama la is  dhaliillo waa wax nolosha bini-aadamka sal  u ah, waxaan leeyahay miiska xarunta wasaaradda soo fadhiista waxaad nagu eedaynaysaana nagu caddeeye, waxa aanu leenahay waanu qaadan wixii aanu leenahay, waxa aanaan lahayna qaadan mayno, waxa weeye eedaa aad nagu eedayseen waxba kama jiraan.”
Agaasimaha guud ee wasaarada dib u dajinta Somaliland Maxamed Yoonis Jibriil  waxa kale oo uu intaa ku daray “xaaladayadu waa sidaa, qaranka waxaanu u haynaa shaqo wayn, hadaanay wasaaradu joogin 830 qoys oo reer Somaliland ah ayaa maanta hoy u leh oo maanta wax walba oo asaasi ah oo danta guud u dhan tahay, waanu sameynay anagaa ku faanayna, anagaa samaynay cid walba isdaba taagnay.”
“Waxa kale oo seeska loo jeexay 265 guri oo Burco ah ayaa dhismihii socdaa oo bisha June  uu dhamays tirmayaa, hadan waxaan tabaabusho ugu jirnaa sidii aanu danta guud ugu heli lahayn haday waxbarsho tahay, haday caafimaad tahay, haday tahay biyo ayaanu ku tala jirnaa, runtii dadaalka aanu wadno iyo miisaaniydayadu is malaha, waxaanu qaranku ugu  idman nahay iyo waxa uu bajadkayagu yahay is malaha oo qayba wasaard ka mida ayaa naga bajad badan ”. ayuu yidhi Maxamed Yoonis Jibriil Agaasimaha guude ee wasaarada dibu dajinta Somaliland.
By: Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply