“Wadada Madaarka Waxaanu Ka Dhigaynaa Laami Cusub” Xildhibaan Cabdilaahi Aw Aadan

0
373

Hargeysa(Dawan):- Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa,ayaa ballan qaaday in ay waddo cusub oo roog ah dhigayaan jidka isku xidha saldhigga dhexe  iyo illaa Madaarka Hargeysa.
 
Xildhibaan  Cabdilaahi Aw Aadan  oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay hawshaasi imika meel fiican marayso dhakhsana ay u bilaabi doonaan dhismaha wadada isku xidha Madaarka Hargeysa iyo Saldhigga dhexe taasoo dhererkeeduna dhan yahay 8 KM.
 
Xildhibaan Cabdilaahi Aw Aadan waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska DAWAN.
Xildhibaanka   oo aanu weydiinay sababta ay golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa wax uga qaban waayeen wadada halbawlaha  ah ee   isku xidha madaarka Hargaysa  iyo  suuqa caasimadaa, waxa uu  ku jawaabay.“Wadadan  isku xidha madaarka Hargeysa iyo Saldhigga dhexe waanu soo qiyaasnay oo waa (sideed) 8 KM waanan soo cabirnay hawsheedana dhakhso ayaanu u galaynaa oo waxaanu dhigaynaa laami cusub oo roog ah,mana kar karayno laakiin  dhamaanteed waxaanu dhigaynaa laami cusub qorsheheediina meel fiican ayuu noo marayaa.”
isagoo ka sii hadlayay  halka ay marayso qorshaha hawleed ee jidka isku xidha madaarka Hargeysa iyo saldhigga dhexe waxaa uu yidhi.“Jidkan wixii lagu dhisi lahaa qayb ka mid ah waanu u haynaa inta kalena hawsheedii waanu ku guda jirnaa dhakhsana waxaanu rejaynaynaa in ay noogu soo dhamaato,waliba wadadan ma noqonayso mid aanu qaab kar kar ah ku samaynayno laakiin dhamaan 8 KM  ahba waxaanu ka dhigaynaa mid wada cusub oo la mid ah wadada wadnaha Hargeysa.”
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply