Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Oo Heshiis Shan Qodob Ka Kooban Ku Kala Saxeexday Jabuuti

0
363

Jabuuti  (Dawan):  Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay  si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis ka kooban lix qoddob oo ay labada dal kala saxeexdeen, ka dib wada hadalo muddo laba maalmood ah uga socday wufuuda labada dhinac Huteelka Kaambiski ee magaaladda Jabuuti.
 
Warmurtiyeedka labada wadan kala saxeexdeen ayaa  u dhignaa sidan:-
 
 
“Iyada oo laga duulayo  wada hadaladii  u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ee ujeedadoodu ahayd in xal laga gaadho xidhiidhkii u dhaxayn kara labada dhinac  ayaa madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dawladda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay ku kulmeen Magaaladda  Djibouti 21/12/2014.
 
Waxay  labada madaxweyne isla garteen:
 
1-      In la dardar-geliyo wada hadalada labada dhinac,isla markaana wakhti lagu jaan-gooyo.
2-       labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasiga ah ee masiiriga ah lagu dhiirado,lana fuliyo arrimihii hore loogu heshiiyay  oo ah:
 
A)-In laga dhawrsado wixii wada hadalada carqalad gelin kara.
B)-Inaan la siyaasadeyn deeqaha aadaminimada iyo mashaariicda dib u dhiska walibana la dhiirigeliyo.
C)-In la fuliyo heshiiskii Hawadda iyadoo farsamo lagu salaynayo wixii lagu heshiiyay.
 
3)-Labada dhinac waxay isla garteen in dawladda Djibouti laga qeyb-gelyo wada hadalada marka loo            baahdo.
 
4)-Labada dhinac waxay ku heshiiyeen  ilaalinta xuquuqul-insaanka , iskaashiga nabadgelyada iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagixisada, budhcad badeedda iyo dambiyada abaabulan (organized crime).
 
5)- In madasha tan ku xigta oo ay ku kulmayaan ergooyinka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay noqoto 26-27 Feberuary ee  2015-ka, laguna qabto Magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga.
 
6)- Waxay labada madaxweyne Soomaaliya iyo Somaliland u mahad-celinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo marti geliyay wada hadalkan, ka dib markii ay ka codsadeen labada dhinac.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply