Ciyaarta Dhimashada :Tariikhada Madaw Ee Kubada Cagta

0
478

Aadamiga ayaa kaga duwan makhluuqaadka kale caqliga iyo garashada uu Allah (sw) ku manaystay, kaasi oo haddii dhinaca wanaagsan loo adeegsado noqonaya wax cajiib ah oo fudaydinaya wax adag oo dhib badan, soona dhowaynaya wax fog oo loo arko inaan la qaban karin. Haddiise uu loo adeegsado dhinaca xun wuxu noqonayaa mid shar badan oo waxa uu samaynayo ay ka muuqanayso waxshinimo. Aadamigu wuu ka caqli badan yahay makhluuqaadka kale laakiin hadana wuu ka xaasidsan yahay kana nacayb iyo xiqdi badan yahay ilaa uu gaadho heer ay waxyeeladiisu ka badan tahay tan xayawaanka halista ahi sameeyo. Dunidan casriga ah ee maanta waxa jira ciyaaro kala duwan sida kubadda cagta oo loogu xiiso badan yahay, tan kolayga iwm. Taariikhda aya in badan lagu cadeeyay in kubadda cagta ee casriga ahi ay ka bilaabantay dalka Ingriiska qarnigii 19aad. Laakiin waxa jire akhriste taariikh fac weyn oo ay lahaayeen shucuubta Hinadada cas oo iyagu la sheegay inay ahaayeen kuwii u horeeyay ee ciyaara kubadad cagta.
Wakhtigaasi ayaa labada kooxood ee wada ciyaaraya iyo bulshaduba ay heshiis ku ahaayeen in kooxdii laga badiyo la wada dilo iyadoo loogu dhowaanayo sanamadii ay caabudi jireen taasi oo ah caado iyo dhaqan ay lahaayeen. Madaxyada kooxda laga badiyo ayaa laga goyn jiray jidhka intiise kale ka dibna lagu tixi jiray lana sudhi jiray  garoonka dhinacyadiisa, iyadoo aad moodo halkudhegyo. Tani ayaa loo yaqaana taariikhda madaw ee Kubadda cagta.
 

Leave a Reply