Nidaamka Cusub Ee Lacagta

0
444

Intii u dhaxaysay 1870 ilaa 1933 ayaa wadamada aduunka intooda badan waxay lacagtooda ku saleeyeen dahabka. Taasi oo looga jeeday in lacagaha la daabacaa ay noqodaan hadba xadiga dahab  u yaalla Bangiga dhexe ee xukuumadda.
Iyadoo taasina ay ka dhignayd in qof kastaa lacagta ama dahabka uu wax ku iibsan karo, isla markaana uu dhigan karo bangiga iyadoo dahab ah ama lacag ah.  Haddaba sida ku qoran buugga Maraykanka  1933 Maraykanku ayay u suurtageli weyday in dadkii Doolarka haystay ee doonayay in dib dahab loogu badalo uu siiyo dahabkaasi. Wakhtigaasi ayuu sheegay inuu dadkaasi siin doono Silver, waxaana halkaasi laga fahmay in uu daabacday lacag ka badan intii ay dadku dahab dhigteen baanka. Arintan ayaa keentay in maraykanku cadeeyo sinuu isticmaali doono xeerka lacagta ee lagu jaangooyo Dahabka iyo silverka.
The Bretton Woods System was introduced in 1946 and created the fixed exchange rates system.
July 1946 Shirkii Britten Woods (Bretton Woods Conference) oo uu qabqable ka  ahaa Maraykanku oo ay ka soo qayb galeen inta badan wadamadii aduunka ka jiray wakhtigaasi ayaa lagu heshiiyay nidaam cusub oo loo bixiyay (The Bretton Woods System: A Fixed Exchange Rate) Nidaamkan ayaa Wadamadii 45 ahaa ay isku raaceen in dollerka Maraykanka lagu saleeyo lacagaha aduunka oo dhan. Iyadoo la isla gartay in Doolarkana lagu xadeeyo Dahabka.
Taasi oo loola jeeday in Bangiga dhexe ee Maraykanka aanu daabici karin lacag Doolar ah , ilaa Dahab u dhigman xadiga Doolarka loo baahan yahay la dhigo baanka. Waxaa kale oo lagu qiimeeyay halkii wiqiyad dahab ah $35.  (The dollar fixed in terms of gold $35 an ounce.). Sidaas ayaa mar walba lacagtu u ahayd mid aan gacanta dawladda ka bixin, oo aan si dhib yar kooxo ganacsato ahi u samaysan iyadoo aanay jirin wax lagu jaangoynayo iyo baanka xukuumadda oo aan gacan ku lahayn. Taasi oo ka dhigaysa Lacagtaasi haday tahay noodh, qadaadiic iyo electronicba mid faalso ah oo khalkhal gelinaysa dhaqaalaha dalka iyo suuqa wax kala iibisga, horseedna ka noqonaysa sicir barar.

Leave a Reply