C/Raxmaan Caddami Oo Sharaxay Faa’iidada Somaliland ugu Jirtay Heshiiskii Jabuuti

0
368

“Shirka Jabuuti Waxa uu ka Dhashay  Somaliland  oo Caalamka Ku Qancisay Inay Soomaaliya Joojinayso Wada hadaladii”
Siciid Faarax Cagjar
Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyhii hore ee hay’adda shaqaalaha dawladda    Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) ayaa si weyn u soo dhaweeyay isla markaana ku tilmaamay guul u soo hoyatay Qarannimada Somaliland go’aamadii ka oo baxay wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya  ku dhex  maray  todobaadkan wadanka  Jabuuti
 
Mr. C/raxmaan Cadami waxaa kale oo uu sheegay in shirka ku qabsoomay Jabuuti uu ka mid yahay  guulaha dublamaasiyadeed ee ay gaadhay  xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo,  kaas oo ay ku kasbatay beesha caalamka.
waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay la hadlayay warbaahinta kala duwan, ugu horrayn Cabdiraxamaan Cadami isaga oo arrimahaasi ka hadlayaynaa  waxaa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo qodob siyaasiya oo ku saabsan wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu qabtay dalka Jabuuti, casuumadda iyo gogoshana uu lahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ee ay ku kulmayeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Shirkaa markii laga soo noqday  dad badan oo mucaaridka u badan baa ka hadlay, waxaanay ku sheegeen qaarkood in shirkaasi uu dhaliilo badan leeyahay ,si toos ah iyo si dadbanba waa loo dhaliilay waxay qaarkood ku tilmaameen shirka inta ka soo baxday ee la sheegay maahee in ay jiraan hadalo wada qarsoodi ah, taasoo aan anigu u arkay in ay dadka ku abuurayso shaki iyo kalsoonidii ay madaxdooda ka  qabi karaan.”
 
“Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyay  ee mudaba soo jiray, go’aamada ka soo baxay Jabuuti waxaa ku jiray in la dar dar galiyo, anigu ma qabo in la dar dar galiyo waa la joojiyay, imika ayaa la bilaabay, wada hadalkaa Jabuuti baana bilowday, anigu waxaan qabaa waxa la dar dar galiyaa waa waxa socda ee shaqaynaya laakiin sidii la doonayay aan u soconayn ee ka gaabinaya laakiin anigu sidaa ma qabo, ee waxaan  qabaa in shirkaasi is taagay iskana taagay xagga Soomaaliya,” ayuu yidhi Guddoomiyhii hore ee hay’adda shaqaaluhu.
“Shirkii dib ayaa loo bilaabay, waxaana lagu bilaabay shirkaa Jabuuti ka dhacay, haddaba waxaan doonayaa in aan sheego shirku siduu ku yimi, shirku wuxuu ku yimi Soomaaliya markay ka gaabisay ee ay joojisay ee ay ka caga jiidday, Xukuumadda Somaliland waxay qaadatay olole ay beesha  caalamka ku qancinayso in shirkii aanu soconayn oo uu ka taagan yahay xaggii Soomaaliya. Shirka Jabuuti lagu qabtay waxaa uu ku  yimi cadaadiskii beesha caalamku ay ku saartay Soomaaliya, markii ay Somaliland ku qancisay in shirkaasi istaagay. laakiin mid gaar ah oo ka duwan kii aynu kula jirnay Soomaaliya ee ay beesha caalamku dabada ka riixaysay ee dunidu wada ogayd maaha waa kii qayb ka mid ah uun dedaalkii beesha caalamka ayuun baa dhalay shirka,”ayuu yidhi Mr. Cadami.
 
Waxa kale oo uu intaas ku kabay “Waa Guul haddii uu shirkii bilaabmay oo aynu wada hadalkii dib u bilownay, haddii uu ka yimid ololihii dublamaasiyadeed ee ay Somaliland qaaday ee a beesha caalamka ku qancisay in Soomaaliya cadaadis la saaro maadaama ay shirkii iska taagtay, ama aanay jeclayn in uu sii socdo,”
 
“Shirkaasi faa’iido balaadhan ayuu u lahaa Somaliland , qodobadii ka soo baxay waa la qaybiyey oo la baahiyey ,  anigu copy ayaan ku hayaa , waa lix qodob . lixdaas qoddob  saddex ka mida faa’iido balaadhan ayuu u leeyahay  saddexda kale waa wax guud . laakiin saddexda qoddob ayaa muhiima , anigu afar ayaan ka dhigayaa  oo waxaa weeye shirkii la hakiyey dib ayaa loo bilaabay,”ayuu yidhi Mr. Cabdiraxmaan Cadami.
 
Mudane Cabdiraxmaan Cadami mar uu ka hadlayay faa’iidada ku jirta in runta laga wada hadlo oo xaqiiqda lays tuso waxa uu yidhi “In shirka dambe ee la qabanaayo  la gudo galo waxa xaqiiqada ee ka dhexeeya laba dal  toos loo galo oo aan la dul marmarin , marna faa’iido kale ayey ii tahay guusha aynu hiigsanayo ayaa aynu gaadhi,  ama waa ay inoo dhammaan oo shirkan wakhtiga innaga qaadin oo uu halkaas ku istaago ayay noqon.”
 
Guddoomiyihii hore ee hay’adda shaqaaluhu    mar uu ka hadlayay  iskaashiga dhex mari kara labada wadan ee Somaliland iyo Somalia waxa uu sheegay  in labada dal ay iska kaashan karaan arrimaha nabad gelyada , dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga.
“Mucaaradku way dhaliileen, anigu waxa aan aminsan nahay in ay dadka qaarkood u qabaan in ay mucaaradnimadu tahay in la diido waxa ay xukuumadu wadato, laakiin mucaaradnimadu waxa weeye in xukuumadda wixii dhaliil ah loo sheego , wixii ay la timaado ee wanaagsanna aad ku taageerto, sida qoddobkan oo kale. qodobkani waa heer qaran waa masiir ummadeed,  waa  marka keliya ee mucaaradkan iyo muxaafidku iskaashadaan, sida arrintan iyo haddii dagaal dalku ku jiro, markaa ma aha shaqada mucaaradku in wixii xukumadu wadato la diido , waa ay jirtaa dhaliilo aynu ku dhaliilno xukuumada markaa tii guul ah ma aha in aan ku dhaliilno waana waajib saaran qof kasta oo muwaadin ah,”ayuu ku dooday Mr. Cadami.
 
Guddoomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu sheegay in laba madaxwayne ay si yaabo kala duwan ugu fasireen shacabkooda wada hadalaada dhex maray labada dawladood isaga oo sheegay in labada madaxwayne ay soo bandhigeen rabitaan kooda shacab iyo siday ay wax ugu doonayaan ummadooda.
Uga danbayntii waxa uu sheegay in Madaxwanuhu uu u baahan yahay tallooyin badan oo la xidhhidha arrimahan isla markaana ay muhiim tahay in laga qayb geliyo bulshada sida sharci yaqaanada iyo ummada balse uu go’aanka leeyahay Madaxwaynaha qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo.
 

Leave a Reply