Dalkaasi Iraan Oo Isu Diyaarinaya Inuu Satellite-do Cirka u Diro

0
386

Wadankaasi Iran ayaa diyaarinayaa siday sheekeen saraakiil kamid ah kuwa dalkaasi inay cirka u diraan saddex dayax gacmeed dhamaadka sannadka tirsiga dalkaasi Iran oo ku beegan 23  March ee sannadka fooda inagu soo haya ee 2015 ka.
Maalintii Salaasadii ayuu hadalkaasi ku dhawaaqay u qaybsamaha hawada ee dalkaasi Iran (Iran Space Agency ),Hamid Fazeli ,iyada oo lagu kala magcaabo Satelites-kaasi Tadbir ,Sharif Sat,kuwaas oo noqon doona kuwo hor dhac ah oo dalkaasi diri doono dhamaadka sannadkan.
Satelite-ka lagu magcaabo Tadbir ayaa ah mid lagu farsameeyey Jaamacad ku taala dalkaasi oo lagu magcaabo Iran University of science and Technology,halka ay Satelite-ka kalena diyaarinayaan ardayda iyo macalimiinta jaamacadda lagu magcaabo Sharif University of Technology .
Waxaanu sheegay sarkaal kamid ah cirbixiyeenada dalkaasi Iran in satelite-yadan lagu wareejin doono hay’ada hawada u qaabilsan dalkaasi Iran ee loo soo gaabiyo ISA bil gudeheed iyaga oo laba biloodna tijaabo ku samayn doona hay’adaasi.
Waxaana uu Satelite-ka loo yaqaan Sharif uu culayskiisu noqon doonaa 50kg isaga oo qaadi kara culays u dhigma gantaalada dalkaasi isticmaalo ee loo yaqaano Safir B-1,waxaana loogu talo galay in la dhigo meel aan dhulka ka fogayn oo u dhaxaysa dhigaha 350km una dhiganta 217 mile iyo 500km una dhiganta 310 mile oo oogada dhulka ah.
Waxaanu satelite kaasi soo qaban doonaa sawiro badan oo faa’ido u leh dalkaasi Iran,kuwaas oo ah kuwo xaqiiqda ka turjumaaya,iyaga oo kasoo qabanaaya in ka yar 10 m kadibna usoo gudbinaaya xarunta laga hagaayo,iyada oo satelite-ka kale ee Tadbir uu yahay mid hore loo sameeyey oo la hagaajinaayo lana casriyeyn doono,isaga oo soo shaqeeyey.
Sidoo kale Nahid oo ah satellite kale ayaa isagana la wadaa iyada oo ay ku hawlan yihiin inay sameeyaan Amir Kabir University of Technology ,iyada oo la diri doono isna dhamaadka sannadka uu dalkaasi Iran tirsado ,isaga oo kuwa kale in yar ka dambayn doona,waxaanu qaadi doonaa noole xaga sare la geyn doono.
 
 
 

Leave a Reply