Madaxwaynaha dalka Maraykanka Brack Obama ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay shaacisay shirkadda Sony pictures ee ah in ay ku sii daynayso filimkii majaajilada ahaa ee muranka dhaliyay ee The interview.
waxaa baahin doona maalinta Kirismaska ah tiro cayiman oo ka mid ah shaneemooyinka Maraykanka.
Obama ayaa markii hore shirkadda ku dhaliilay in ay joojisay baahinta filimkaasi Kim Jong-un laga matalay, kaddib markii weerar xagga internetka ah lagu qaaday.