Diyaarad Air Asia oo maqan

0
420

Dayuurada waxaa la rumaysan yahay inay saarnaayeen dad ka badan 160 qof. Qoysaska iyo asaxaabta rakaabkii saarnaa duullimaadka Qz8501, waxaa loo qaaday meel gaar ah oo lagu hayo meel ka mid ah garoonka dayuuradaha ee Changi ee dalka Singapore, oo laga xiray warbaahintu inay gasho.
Saraakiisha garoonka dayuuraduhu waxay sheegeen in dadka ehelada ah si joogto ah looga warramayo hadba wixii ka soo kordha baaritaanka lagu hayo dayuuradda maqan.
Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in saraakiil ka socota sharikadda Air Asia aanay weli la kulmin cid ka mid ah ehelada joogta garoonka Singapore.
Dayuuradda sharikadda Air Asia waxaa la filayay inay ku degto dalka Singapore saacaddu markay ahayd 8:30 subaxnimo, hase yeeshee waxay u muuqataa in markii ay hawada ku jirtay abbaaraha muddo 42 daqiiqo ah ay lumisay xiriirkii ay la lahayd maamulayaasha gaadiidka hawada kala haga ee magaalada Jakarta.
Waxay sameynaysay duullimaad u dhexeeya magaalada Surabaya ee dalka Indonesia iyo dalka Singapore iyadoo ay saarnaayeen 155 rakaab ah, laba duuliye iyo shan qof oo shaqaalaha dayuuradda ah. Air Asia waxay sheegtay in duuliyuhu uu weydiistay inuu khadka caadiga ah ka leexdo hawada oo xumayd awgeed.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaadiidka ee dalka Indonesia, waxaa uu sheegay in loo maleynayo in dayuuraddu ay maraysay meel u dhexaysa jasiiradda Belitung ee ka baxsan xeebta Sumatra iyo Kalimantan, markii ay lumisay xiriirka xagga dhulka ee ay la sameynaysay maamulayaasha dayuuradaha kala haga.
 

Leave a Reply