Dunida Kale: Qabiilo Caado Naxdin leh Samaysa

0
430

Dalka Papua New Guinea ayaa ah dawlad ku taalla Jasiirad ku taalla badweynta degan, waqooyiga Austareliya, waana Jasiiradda labaad ee ugu weyn caalamka. Jasiiradan ayaa ukala  go’an maamulo boqolaal qabiilo ah oo kala duwan.  Kuwaasi oo  nool kaymaheeda roobka badan ee ka go’an dunida kale kumanaan sanadood. Qabiilo kastaa waxay leedahay luqad iyo dhaqan u gaar ah. Waxa jasiirdaasi kooban lagaga hadlaa 850 luqadood.  Qabiilooyinkan ayaa  ku nool ugaadhsiga  xayawaanka faraha badan iyo midhaha kayamah jiqda ah ee ka baxa.
Badmareenadii hore iyo ganacstadii Aasiya ayaa helay wakhti hore Jasiiradan, kuwaasi oo u tegi jiray ugaadhsiga shimbir nooceeda aad loo jeclaa oo la odhan jiray shimbirka Janada (Bird of Paradise).  Laakiin badmareenadu may gelin jasiirada iyo kayamaha iyagoo aad uga cabsan jiray bulshada ku nool oo sida xaywaanka waxshiga ah u dhaqma,  kuwaasi oo laga soo tebin jiray sheekooyin cabsi badan oo ah inay dadka cunaan. Qarnigii 16aad ayaa Gumaystihii Yurub degay deegaanada xeebta ee Jasiiradaasi, kuwaasi oo aad ugu kuur galay noloshooda dadka ku dhex nool kaymaha.  Hadadaba iyagoo kala duwan caadooyinka Qabiilooyankani waxa jirta ilaa wakhtigan maanta qabiilo lagu magacaabo Fore , taasi oo caado aad uga baxsan aadaminimada ku dhaqanta. Qabiiladan ayaa qofka ka dhinta hilbikiisa cuna iyagoo weliba qaraabada ugu dhaw aya sidaasi samaynayso. Arintan ayaa keentay inuu qabiiladan ku faafo xanuun aad u xun oo aan dunida kale ku dhicin kaasi oo lagu magacaabo Kuru. Xanuunkan aya qofka ku beera gariir joogto mudo yar ka diban wuu dhintaa. Laakin nasiib daro qabiiladan ayaa aaminsan in aan xanuunkani aanu xidhiidh la lahayn caadadani luuna  yaha mid shayaadiinta ka yimi.

Leave a Reply