Guddida Baadhista Xasuuqa Oo Ka Waramay Tiradda Xabaalaha ay Heleen Sannadkan 2014-ka

0
398

Hargeysa (DAWAN): Guddida baadhista xasuuqii loo geystay shacabka  reer Somaliland sanadihii sideetamaadkii taliskii Siyaad Barre ka geystay gobolada Somaliland qaar ka mid ah,  ayaa soo bandhigay Xabaallo-wadareedyadii ay  heleen sanadkan  sii dhamaanaya ee 2014.
Shir jaraa’id oo ay shalay xaruntooda magaaladda Hargaysa si wada jir ah  ugu qabteen guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka iyo xunbo ka mid ah guddiga  baadhista xasuuqa Somaliland, waxay kaga hadleen hawlaha ay qabteen sanadkan sii dhamaanaya iyo sidoo kale waxyaabaha u qorshaysan sanadka  fooda inagu soo haya.
Khadar Axmed Like, Gudoomiyaha guddida baadhista xasuuqa  oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in horaantii sanadkan sii dhamaanaya ee 2014 ay heleen saddex Xabaalood oo ay ku jireen 44 qof qalfoofyadoodii, iyadoo ay baadhista qubuurahaasina ka caawinayeen khubaro u dhashay dalka Peru.
Waxaanu yidhi “Sanadkan sii dhamaanaya bilawgiisii waxaanu soo saarnay 3 xabaalood iyadoo ay  nagga caawinayeen khubaro Ajaanib ah oo dalka Peru ka socday.  saddexdaa Xabaalood oo 44 qof  Qalfoofkoodii aanu ka soo saarnay, kuwaas oo ay dhamaystireen xaqiijintoodii sida ay u dhinteen ka dib-na aanu u samaynay Xabaalo-wadareedyo  ku yaalla Galbeed Hargeysa, oo aanu  ku aasnay anagoo kaashanay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta”.
 
Waxa kale oo uu intaasi ku daray Md. Like, in ay agagaarka qubuuraha Naaso-hablood eek u yaala bariga Hargaysa ka  heleen laba Xabaalood, sidoo kale meel u dhaw taliska guud ee xarunta ciidamadda milaterigana ay ka heleen Xabaalo kale, isagoo xusay in sidoo kale deeno ka tirsan Gabiley ay ka heleen qubuuro kale.
“Naaso-hablood sokadeeda waxaan ka helnay laba Xabalood oo  Xabaalo-wadareed ah, xarunta milaretiga  ee taliska guud  Bariga ka xigtana  waxaan ka helnay laba Xabalood oo Xabaallo-wadareedyo ah,  oo dad badan lagu xasuuqay oo aanu markhaatiyo u hayno.  waxaanu sidoo kale tagnay Gabiley oo iyadana ay ku yaalaan laba Xabalood oo waa weyn, oo aanu  dhakhtarada Ajanabiga ah  ku balan sanay inay yimaadan oo  ay baadhaan.  hase ahaatee dib ay u dhaceen cuduradan Afrika ka soo cusboonaday darteed oo aanu filanyo horaanta sanadka cusub inay yimadaan”ayuu yidhi Md. Like.
Guddoomiyaha guddida baadhista Xasuuqa  waxa  kale oo  uu sheegay inay dhawaan safar shaqo  ku tageen magaaladda Burco si ay u soo xaqiijiyaan xabaalo-wadareedyo u astaysnaa, isagoo tilmaamay inay heleen laba xabalood halka ay mid kalena waayeen.
Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka guddida baadhista xasuuqa   Yuusuf Xaaji Maxamed,  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in sanad ka cusub ay xafiiskooda u qorshaysan tahay inay baadhitaano sameeyaan  si ay u xaqiijiyaan xabaalo-wadareedyo ku yaalla gobolka Sanaag degmooyin ka tirsan. sida degmooyin Ceerigabo iyo Ceel-afweyn.
Waxaanu  tilmamay in sanad cusub ay qorshaynayaan inay sameeyaan madxaf lagu kaydiyo waxyaabaha xasuuqa muujinaya isla markaana wakhtigan ay ku hawlan yihiin diyaar gareyntiisa.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply