Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran Oo Hargeysa Loogu Sameeyay Marxuum-Jaamac Haybe

0
372

Hargeysa (DAWAM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa shalay ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee marxuum Jaamac Haybe Maxamed oo ka mid ahaa halgamayaaashii doorka weyn ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka.
Marxuum Jaamac Haybe Maxamed oo lagu aasay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, guddoomiye ku xigeenka xisbigaas iyo xubno ka mida golaha wasiirrada iyo dadweyne aad u tiro badan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud  Siilaanyo ayaa marxuumka Illaahay uga baryay inuu naxariistii  jano ka waraabiyo, waxaana uu tacsi u diray qosykii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, waxaanu   yidhi “Marxuumka Jaamac Haybe Illaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo,  ehelkii iyo qoyskii uu ka geeriyoodayna  samir iyo iimaan ha ka siiyo, shakhsi  aad u  wanaagsan ayuu ahaa oo wadaniya oo adkaysi badan lahaa, markaa waxaan leeyahay Illaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee  uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.”
 
Guddoomiyaha xisbiga  Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna waxa uu tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday marxuumku, waxaana uu tilmaamay inuu ahaa marxuum halgamaa, waxaanu   yidhi “Waxaanu joognaa aaskii marxuum Jaamac Haybe oo ahaa oday weyn oo halgamaa ah, Illaahay ha u naxariisto, ehelkii iyo qaraabadiisiina  samir iyo iimaan ha inaga siiyo, Qaranka Somaliland samir iyo iimaan ha ka siiyo.”
 
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed  iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa qoyskii iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum-Jaamac Haybe oo ay sheegeen inuu ahaa muwaadin dalkiisa jecel oo u soo halgamay dib u xorayntii dalka.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply