“Qabyaaladdu Waxay Ka Daran Tahay Ebola, Warbaahintuna..”

0
433

Hargeysa, (Dawan):- Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) ayaa tilmaamay in qabyaaladdu tahay aafo ka waxyeello badan cudurka halista ah ee caalamka ku cusub ee loo yaqaan  Ebola  oo dad aad u tiro badan ku dilay dalalka caalamka.
Jaamac Shabeel  ayaa warbaahinta kala duwan kula taliyay, isla markaana kula  dardaarmay inaanay faafin wararka qabyaaladda sala ku haya ama ay ka dhex muuqdaan  hadallada qabyaaladaysan.
Waxa kale oo uu ka  hadlay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye  sida ay waajibka u tahay in dhan looga  soo wada jeesto, lana  wada ilaashado nabadgelyada dalka oo ah  midda ugu weyn ee qarannimadu ku sii jiri karto .
Jaamac Shabeel oo shalay ka hadlayayxaflad loo sameeyay sannad guuradii koowaad  ee ka soo wareegtay aasaaska Wargeyska madax-banaan ee  HIMILO, taasoo lagu qabtay Hargeysa waxa uu yidhi. “Qabyaaladdu waa cudur xun oo halis ah, waxaanad mar kasta warbaahinta ku arkaysaa haddaad TV-yada daawato ama websites-ka booqato iyo weliba jaraa’idka  qof shaqsi ah oo aanay ciddina wakiilan xil uu dalka iyo dadka u hayaana aanay jirin oo leh haddaanu beesha reer hebel nahay waxaanu isla garanay iyo waxaanu go,aan ku gaadhnay, markaa warbaahinta waxaan leeyahay hadallada noocaas ah ee dadka  xumaanta kala dhex dhigaya maaha in aad soo gudbisaan oo aad soo qortaan.”
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu intaas ku daray inaanu jirin guri beel qaada oo ay ku shirto iyo nin aan ciddina dooran oo af-beeleed ku hadli kara, waxaanu  warbaahinta ku adkeeyay inaanay soo gudbin qof kasta oo afkiisa uu  ka soo baxay qabiil. “Waxaan leeyahay warbaahinta kala duwan ee dalka idinkaa qofka magac qabiil ku hadlaya inaydaan dadka u soo gudbin, cidda keliya ee ka aamusiin kara dadka ee afka  ka xidhi karaana waa warbaahinta, markaa waxaan idin leeyahay qof aan cid uu matalaaba aanay jirin oo afkiisa waxa ka soo baxaaba ay qabyaalad tahay laga wanaagsan in aad wax ka qortaan ee iska daaya oo dadkaba ha u soo gudbinina, dhinaca kale qabiil qol ku shira iyo qof meel iska jooga oo reer metela midna ma jiro, dhamaan  beelaha Somaliland asxaabta qaranka way ku wada jiraan xisbi ay ka maqan yihiin ma jiro, dawladda ayay ku jiraan goleyaasha qaranka ayay ku jiraan markaa nin aan xil hayn oo af-beeleed ku hadli karaa ma jiro ee idinna waxa noocaas ah iska daaya, haddii kale idinkaa ku akhristeyaal iyo daawadeyaal ku waayi oo markaad reer hebel uun soo tebisaan waxaad noqon doontaan warbaahin bulshadu ay iska nacdo, laakiin qofkii wax ka hadlayaa waa inuu shaqsiyaddiisa kaalinta uu bulshada kaga jiro ku hadlaa inuu gobol ku hadlo.” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
Ugu dambayn waxaa uu guddoomiye Jaamac Shabeel qabyaaladda ku tilmaamay in ay tahay mid ka daran oo ka xun cudurka Ebola dalkana halis galin karta, loona baahan yahay in laga koro. “Waxaan bulshada Somaliland  kula talinayaa inay  ka wada shaqeeyaan qarannimada iyo horumainta dalka, kuna kalsoonaadaan dawladdooda, kana dheeraadaan adeegsiga qabyaaladda, waxbay dumisaa waxay inaga kala daadinaysa waxaynu dhisanay, markaa waxaan idin leeyahay qabyaaladdu waa aafo ka khatar badan oo ka halis badan cudurka Ebola ee kumanaanka qof ku dilay waddamada Galbeedka Afrika,warbaahintana waxaan mar  labaad kula dar daarmaaa qofka qabiil ku hadlaya idinkuna ha ka soo qaadina, laakiin bulshada wax waxtar leh u gudbiya, kana xishooda in mar dambe kelmadda la yidhaahdo Reer Hebel warbaahinteena lagu arko.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply