Saxaabiga Cabdullaahi Binu Makhtuub wuxu u qabay Rasuulka (scw) jacayl weyn wuxuuna dadaal ugu jiray barashada iyo xifdiga qur’aanka kariimka. Wuxuuna fursad kasta ku bixiyay arrintaas. Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) aad iyo aad ugu dadaali jiray sidii ay u soo islaami lahaayeen madaxda qureysh, sidaa darteed ayaa maalin ayuu Rasuulka (cw) la kulmay qaar ka mid gaaladii sida aadka ah u cadaadin jirtay muslimiinta, sida Cutba Binu Rabiica iyo walaalkiis Shayba Binu Rabiica iyo Camr Binu Hishaam, loona yiqiinnay Abuu Jahal iyo Umaya Binu Khalaf iyo Waliid Binu Al-Muqiira oo ahaa Khaalid Binu Waliid aabihiis. Markey arrintu halkaas mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) bilaabay inuu u jeediyo gaaladii wacdi, isla markaasna uu u soo bandhigo bal inay soo islaamaan, isagoo aad ugu rajo weynaa Rasuulka (scw) inay soo islaamaan, ama haddii kale ay joojiyaan dhibaatada ay muslimiinta ku hayaan. Rasuulka (scw) ooi wata hadalka, ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo markaas ka dalbaday Rasuulka (scw) inuu u akhriyo aayad qur’aan ah, isagoo leh: “Rasuulkii Alloow waxaad i bartaa qaar ka mid ah wixii uu Allah (sw) ku baray”. Hase ahaatee, Rasuulka ma eegin xaggiisa oo wuu ka jeestay oo weji ururiya, isagoo u jeestay dhinacii kooxdii qureysh, wuxuuna sidaas u samanayay isagoo ku rajo weynaa inay soo islaamaan, oo markaasna islaamkooda ay diinta Islaamka u keento cisso iyo taageerada dacwada Rasuulka (scw).
Hadalkii uu Rasuulka (scw) u jeedinayay nimankii qureysh muu dhammaynin, mana doonin inuu tago reerkiisa, ilaa Allah (sw) ku soo dejiyay aayadahan qur’aanka ah ee ka bilowda suuradda Cabasa:
Waa lix iyo toban aayadood oo waxyi ugu soo degay Nebi Muxammad (scw), aayadahaasoo ku saabsanaa arrintii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waana aayado la akhriyi doono laga soo bilaabo xilligii ay soo degeen ilaa iyo maalinta qiyaamaha.
Wixii maalintaas ka danbeeyay, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa kii aad u u qaddariya Cabdullaahi marka u yimaado. Wuu soo dhoweyn jiray haddii uu u yimaado, arrimahiisa wuu la socon jiray, wixii uu u baahan yahayna wuu u fulin jiray. Taasina la yaab ma laha, maxaa yeelay isaga daraadiis ayuu Allah (sw) uga soo canaantay Rasuulkiisa toddobo samo korkooda, canaan adag.