Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ku Baaqay In La Ilaaliyo Heshiiskii Somaliland Dhidibkeeda Lagu Taagay

0
430

Hargeysa-(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Mudane Cali Jaamac Buureed ayaa   ku baaqay in la ilaaliyo heshiiskii iyo qarameedkii Somaliland dhidibada loogu taagay.
Cali Jaamac Buureed, oo shalay xafiiskiisa ugu  waramay DAWAN, waxa  kale oo  uu ka hadlay Xaalada Gobolka Awdal iyo Shirkii dhawaan Somaliland iyo Somaliya ku dhexmaray Dalka Jabouti. Wasiir Buureed, ayaa sidoo kale waraysigaasi waxa uu kaga   hadlay   arrinta  Suldaanka Falaagoobay suldaan Wabar ayaa sheegay in ay Waajib tahay in la ilaaliyo Axdi qarameedkii lagu dhisay Somaliland.
Waxaana tilmaamay Md. Buureed  in Qaranimada Somaliland la wada leeyahay oo aanay jirin cid gaar u leh,  islamarkaana aanay Suuro gal ahayn in qof cadhooday uu yidhaahdo Somaliland ayaan kala Jarayaa.
Waxaanu yidhi  “Somaliland waa la wada leeyahay reer gaar u leh ma jiro, Cid walbana in Muwaadinimada iyo Dawladnimada iyo Nidaamka lagu wada nool yahay ee Somaliland ku  heshiiyay  in la ilaaliyo, cidii wax tabanaysa ee dhibaato qabtaana ama wax ka cabanaysaana in si Nidaami ah u Cabato, oo ay Dawladuna eegto, Cid waliba xaq bay u leedahay in Cabashadooda la tixgaliyo, waxna laga qabto wixii markaa Sax ah, laakiin arinka Dhibta iyo Jabhadayntu maaha mid sax ah.”
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Dalkan Somaliland baa la yidhaa ma aha meel Qofkii xanaaqaaba odhanayo Dhulka aan dego ayaan Goosanayaa, laakiin anigu waxaan aaminsanahay in si Nidaam ah oo Wanaagsan oo Walaalnimo ah loo maro, oo si wanaagsan oo Somalilandnimo ah loo wada Noolaado, si Walaalnimo ahna la isku Ganciyo, Xalkana Sharciga loo maro, runtiina Tabashadu meel walba way ka jirtaa Bari bay ka jirtaa, Galbeedba bay ka jirtaa, meel ay gaar ku tahay ma jirto, waxaanan rajaynayaa in si Nabadgalyo ah oo Walaalnimo ah ay ku soo dhamaan doonto”.
 
 
Dhinca kale Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cali Jaamac Buureed wuxuu ka hadlay Wada hadaladii dalka Jabouti ku dhex maray  Somaliland iyo Somaliya, wuxuuna tilmaamay in wada Hadalada dambe ee soo socda ee dhexmari doonta Dalalka Somaliland iyo Somaliya in  Diirada lagu saari doono sidii looga wada hadli lahaa Masiirka Ummada Somaliland iyo Madaxbanaani ay hesho Somaliland.
Wasiir Buureed oo arrintaasi  ka hadlayayna  wuxuu yidhi “Horta Wada hadaladu Muday socdeen mudadaa ay socdeena wixii Rasmiga ahaa, imika shirkii labada Madaxweyne ku yeesheen Dalka Jabouti, runtii marxalado kala duwan bay soo mareen, Markaa Waxaan odhan karaa balanka imika la soo galay oo ah in Toos loo abaaro wixi laga wada hadlayay ee Masiirka Ummada ahaa, in ay aad iyo aad u fiican tahay , oo ay maanta meel fiican marayso, Insha Allah waxaan rajaynayaa in Wada hadaladaa  Jabouti lagu qaban doono bisha labaad in aanay sidii hore noqon ee toos loo gudo gali doono Gooni isutaaga Somaliland, iyo sidii looga heshiin lahaa wixii ka dhexeeyay lada Waddan oo look ala bixi lahaa, markaa waxa lagu heshiin karaa sidii Somaliland loo Ictiraafi lahaa ama loo kala tegi lahaa.”
Dawannews hargeysa office

Leave a Reply