“Muddo Kordhintu Waa Mid Dastuuri Ah Ee Ma Aha Arrin Farsamo Sidii uu Sheegay Guddoomiyaha UCID”

0
386

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland  aya sheegay in muddo kordhinta  muddo xileedka golayaasha Qaranka ay u kordhiyaan aqalkoodu   tahay mid sharci ah oo dastuuri ah.
Waxa kale uu farriin cad u diray xildhibaan Indha Indho beesha caalamka oo uu ku war galiyay in Madaxwaynaha Soomaaliya in uu jabiyay isla markaana uu ka baxay qoddobadii ay ku heshiiyeen ee ay  kala saxeexdeen  Madaxweynaha  Somaliland shirkii ku qabsoomay dhawaan  dalka Jabuuti isla markaana caalamku markhaatiga  ahaa.
Ugu horrayn Xildhibaan C/Qaadir Maxamed Xasan oo ka jawaabayay hadal dhawaan ka soo yeedhay  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Ing Faysal Cali Waraabe oo tilmaamay in doorashooyinku dib u dhacayaan  kuna sababeeyay arrin farsamo   kana saaray meesha doorka golaha  Guurtidu ku leeyihiin sharciyan marka   dib u dhac ku yimaaddo Doorashooyinka, waxaanu yidhi “Sida uu Faysal Sheegay arrin farsamo maaha ee waa arrin dastuuri ah oo sharci ah,annaguna(Guurtida)gabiyaguba waxaanu wax kordhinaa waa markay  doorashooyinku  qabsoomi waayaan wakhtigii loogu tallo galay bil ka hor,markaa iyadoo aanay doorashaba dhawayn ciddii  shaqadaa lahaydna aanay sheegin In ay qabsoomayaan  doorshooyinku iyo inkale annagu(Guurtidu)kama hadallo.”
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho indho)waxaa kale oo uu faah  faahin ka bixiyay goorta ay gole guurti ahaan sharciyan xaq dastuuriya u leeyihiin in ay sameeyaan muddo kordhinta golayaasha qaranka taasi oo uu sheegay in aanay imika taagnayn.
“Xiliga kaliya  uu  sharcigu nasiinayaa waa marka ay bili ka hadho xiliga doorashada, imika muddo lix bilood iyo dheeraad ah baa ka  hadhay wakhtina ma dhowa, anigu waxa kaliya ee aan  ka hadlayaa waxay tahay   ta  uu Faysal  leeyahay waa arrin farsamo ee arrin Dastuuriya maaha  oo aan leeyahay waa dastuuri, annaguna doorashooyinku marka ay qabsoomi waayaan bil ka hor ee ay komishankanna ka timaado ayaanu mudada samaynaa, markaasaanu wax ka nidhaahnaa annagoo duruufahana eegayna ayaanu tilmaanaa  muddada ay doorasho ku qabsoomi karto,”ayuu yidhi Md. Cabdi-qaadir Maxamed Xasan.
Xildhibaanku waxa kale oo uu   ka hadlay wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Jabuuti oo uu sheegay in uu jabiyay kana baxay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ogyahay in Somaliland la yidhi laba dawladood u wada-hadla, waxaan beesha caalamka iyo dawladda Maraykankaba u sheegayaa in uu Xasan Sheekh Maxamuud qodobadii Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen ee caalamku ansixiyay uu jabiyay.”
 
“Waxaan leeyahay Xasanoow dhibaato kugu filan way ku haysataa. Garoowe illaa Kismaayo ayaad madaxwayne u tahay, annaga madaxwayne waxa noo ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Adduunka waxaanu u sheegaynaa dhibaatada deegaannadayadii ka taagan, cid ku wehelisaa ma jirto Xasan Sheekh Maxamuud,”ayuu ku dooday Xildhibaanku.
 
 
Xildhibaan Indho-indho  waxaa kale oo uu  kadlay siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanka gobolka Sool ee Somaliland-diidka ah oo uu sheegay in aanay macno badan lahayn in ay sawiro la galaan Madaxda Xamar, waxaanu yidhi “Ninka Indho sheel la yidhaahdo ee aan Xildhibaanka u ahay Inuu diyaarad raaco oo uu Xasan isla soo sawiro waanu arkaynaa. Haddii magacii beeshii Dhulbahante noqday Khaatumo, aniguna Khaatumo-da Somaliland ayaan ahay, Indho-sheelna waa Khaatumada Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yidhi Mudane Cabdiqaadir.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply