U Dheeraynta Khayrka Iyo Wanaagga

0
648

Rasuulka Allah (scw) ayaa maalin ka waramay in todobaatan kun oo ummaddiisa ahi ay Jannada xisaab la’aan ku galayaan. Isla markiiba saxaabiga Cukaasha Ibnu Muxsin ayaa yidhi:” Rasuul Allow (scw) Allah ii bari inuu igu daro”. Rasuulkuna wuxu ku yidhi “ Ka mid ayaad tahay”
Ummu Suleym (Dumarkii Nebiga ayay ka mid ahayd) Ayaa Nabiga (scw) isaga oo gurigeeda hurda uu soo toosay isaga oo qoslaya, markay weydiisay sababta uu la qoslayaana wuxuu yidhi: “Dad asxaabtayda ka mid ah oo badda maraya iyaga oo jidka Ilaahay ku duulaya, markaasay” ku tidhi: “ Rasuulka Allow (SCW) Allah (sw) ii bari inuu igu daro, Markaas ayaa Nabigu (SCW) ku yidhi: “ ka mid ayaad tahay”. Sidoo kale markii Nabigu (SCW) sheegay in Jannadu leedahay siddeed albaab ayuu Abuubakar yidhi: “Qofna ma looga yeedhayaa albaabadaas oo dhan?”.
Nabigu wuxuu ku yidhi: “ waxaan rajaynayaa in aad ka mid noqotid”.  Waxaa kale oo jiray nin saxaabi ah oo Nabigu ku yidhi: “ I weydiiso, isna weydiistay in uu jannada kula rafiiqo Nabiga (SCW), ka dibna Nebiga ayaa ku yidhi :” Iigu kaalmee sujuud badan”.
Qisooyinkani waxay ina tusayaan sida Rasuulku (SCW) uu asxaabtiisa iyo ummaddiisa ula jeclaa khayrka iyo han weynida, uguna boorin jiray mar kasta oo fursadi soo marto darajooyin sare.

Leave a Reply