Rakaabka Markabka Gariiga oo la Badbaadiyay

0
383

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in rakaabkii oo dhan laga badbaadiyay markabkii ku gubtay badda.
Ra’iisalwasaaraha Talyaaniga, Matteo Renzi, ayaa xaqiijiyay in afar boqol iyo toddobo qof la badbaadiyay. Haseyeeshee waxaa muran ka taagan yahay tirada dadkii saaraa markabka oo is khilaaftay, halkaasna ay ka soo baxday kala duwanaansho liiskii hore iyo dadka la badbaadiyay oo ka yar intii ku qorayd.
Mr Renzi, ayaa ammaanay shaqaalaha gargaarka oo uu sheegay inay si dhaqso ah uga hortageen xasuuq dhimasho badan oo badda ka dhici lahayd.
Toban  qof ayaa la ogyahay inay dhinteen. Helickobtaro ayaa dadka ka soo qaaday markabka iyadoo ay jiraan dabaylo. Dabdamiyayaasha ayaa la halgamayay dabka ka kacay dabaqa hoose. Kabtanka markabka  ayaa ugu danbeeyay wax laga soo saaro markabka gubanayay.

Leave a Reply