Weerar Cirka ah oo Mareykanku ku Qaaday Alshabaab

0
366

Maraykanka ayaa sheegay  inuu weerar diyaarado loo adeegsaday ka fuliyay gudaha dalka Soomaaliya. Weerarka ayaa lala bartilmaameedsaday hogaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsan.
Sida ay sheegeen saraakiisha soomaalidu waxa weerarkaasi dadka lagu dilay ka mid ahaa madaxii sirdoonka Al shabaab, oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur.
Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.
Warqoraal ah oo ka soo baxay waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon ka ayaa lagu sheegay in ilaa iyo hadda la qiimeynayo weerarkaasi iyo sida uu u dhacay.
Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Pentagon ka ayaa lagu sheegay in natiijada weerarka dib laga soo gudbin doono. Mareykanka ayaa taageera siiyo ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan.
 
 
 
 

Leave a Reply