Filimadii Ugu Khasaaraha Badnaa Ee La soo Saaro Sannadkii Tegey Ee 2014 Kii Oo La Shaaciyay

0
483

Iyada oo intii lagu jiray sannadkii galbaday ee 2014 la soo saaray aflaam kala duwan ayay qaarkood noqdeen kuwo guul daraystay iyo kuwo guulaystay,kuwaas oo qaarkood ay ku guul daraysteen inay soo baxaan kana mid noqdaan aflaamta la daawado.
Filamada xumaaday ee liiska dhowaan lasoo saaray ku jiray ayaa waxa kamid ahaa 10 filim oo kala duwan ,kuwaas oo xaga hore kasoo galay filimada xumaaday ee khasaaray sannadkii ina dhaafay ee 2014,waxaanay kala ahaayeen.
1:  Blended :filimka lagu magcaabo ayaa noqday ka kaalinta hore ka galay filimada ugu xun ee lasoo saaray sannadkii ina dhaafay ee 2014,kaas oo ka kooban Jacayl iyo sidoo kalena majaajilooyin,iyada oo loogu talo galay in laga helo lacag badan,laakin muu noqon mid lagu guulaysto filimkaasi.
Waxaana loogu talo galay in laga soo xereeyo lacag aad u badan oo gaadhaysa ilaa dhawr milyaar oo dollar,halka uu isna soo xereeyey $126 dollar,waana mid aad uga yar intii loogu talo galay ama laga rajaynaayey,waana mid lagu sheegay inuu noqday mid lagu khasaaray soo saaristiisa iyo lacagta ku baxday marka loo eego.
2: Dracula Untold :filimkan ayaa isna ah mid ka hadlaaya qisooyin kala duwan ,kuwaas oo ah qaar kala duwan oo ay kamid ahaayeen sida jin lala dagaalamaayo,dad dagaalamaaya iyo waxyaalo kale,waxaanu ka waramayaa sheekooyin beri hore dhacay,waana qisooyin aad hore loo maqal.
Film-kan ayaan isna soo xerayn lacagtii laga sugaayey ,marka loo eego lacagta ku baxday iyo lacagta laga doonaayey inuu soo xereeyo,waxaanay taasi noqotay mid khasaare ku keenta shirkadda soo saartay iyo dadkii metelitaana ka qayb qaatayba.
3: Dumb and Dumber To 2:film-kan ayaa ahaa ka kaalinta saddexaad galay ,waxaana metelaaya laba actor ,kuwaas oo ku caana filimaanta qosolka ah,laakin film-kan ayaan noqon sidii la doonaayey,waxaanu galay khasaare ,kadib markii uu waqtiyo badan dib u dhacay,isaga oo noqonaaya qaybtii labaad ee laga metelo film-kan.
Qaybtii kowaad ayaa ahayd qayb aad loola dhacay loona xiiseeyo daawashadiisa,iyada oo uu soo xereeyey lacag badan intii uu ku jiray suuqyada films-ka,laakin kan ayaan noqon sidii lagu wadey isaga oo aan wax lacag ah oo ku filan una dhiganta tii lagu sameeyey aan soo hoyn .
4: Jack Ryan: Shadow Recruit:Film-kan ayaa noqday ka afraad ee isna khasaaraha weyn lagu galay ,iyada oo aanu soo xerayn lacag badan,sidoo kalena ay dadka daawaday ahaayeen kuw yar ,manay gaadhin intii loogu talo galay inay daawadaan marka loo eegaayo meelaha lagu daawado films-ka ee dalkaasi Maraykanka.
Film-kan ayaa ah mid ku saabsan waxyaalo kala duwan ,gaar ahaana dhinaca amaanka iyo sidoo kalena dagaalba ah,waxaana la rajaynayaa in mar kale lagu soo celiyo suuqyada bishan aynu ku jirno ee January 17 –keeda,iyada oo la filaayo in la eego waxyaalaha kasoo kordha waqtigan aynu ku jirno.
5: The Judge:filmkan ayaa galay kaalinta shanaad ee films-ka khasaaraha lagu galay sannadkii tegey ee 2014-ka,isaga oo ku saabsan sharci,waxaana inta badan lagaga hadlayaa sharciga iyo maxkamadaha,isaga oo noqday mid aan soo xerayn isna lacagtii laga rabey,madaama oo inta badan la qiimeeyo lacagaha ay aflaamtaasi soo xereeyaan oo ah kuwo laga faa’ido markasta,kuwanina waxay noqdeen kuwo aan laga faa’idin intii lasoo saaray,waxaana isna la rajaynayaa in suuqyadda dib loogu soo celiyo sannadkan gudihiisa.
Lasoso…
 

Leave a Reply