“Hadalkii Madaxweynaha Wanaag Ayaanu u Arragnaa, Waanan Soo Dhawaynaynaa” Suldaan Samatar

0
438

Boorama (Dawan): – Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, oo ka mid ah salaadiinta gobolka Awdal, ayaa sheegay in ay ka madax-dhaqameed ahaan soo dhawaynayaan hadalkii madaxweynaha Somaliland ee ahaa in uu wax ka qabanayo tabashadii ay u soo gudbiyeen  madax-dhaqameedka reer Awdal.
Suldaan Samatar waxa uu tilmaamay  sidii ay arrinta tabashadoodda ugu gudbiyeen madaxweynaha in wax looga qabto.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN, isagoo ku sugan magaaladda Boorama, ayaa ugu baaqay madaxweyne Siilaanyo in arrinta tabashadoodda ee ay hore ugu gudbiyeen wax looga qabto.
Waxaanu yidhi “Hadalka madaxweynaha si fiican ayaanu u aragnaa, waananu soo dhawaynaynaa,  horena anagu waanu u sheegnay  in arrintaasi wax laga qabto, tabasho ma aha ee waa saami-qaybsi,  arrin weyn ayaananu ka hadalnay oo runtii meello badan khusaynaysa. Markaa anagu sidii ay ahayd ayaananu madaxweynaha ugu  tagaynay, waxaananu diidnay in aanu warbaahinta u marin, oo aanu ku wadahalno warbaahinta, toos ayaanu ugu tagnay  madaxda qaranka madaxweynaha iyo  madaxweyne ku xigeenka, sida ugu dhakhsaha badan ayaanu uga sugaynaa in wax looga qabto. Waxaananu jecelnahay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto, waayo waxyaabo badan ayaa sii xumaanaya, waxyaabo badan ayaa is-bedelaya, mudadu markii ay dheeraataba wax baa sii xumaanaya oo arrimo badan ayaa jira.”
Waxa kale oo uu  tilmaamay suldaan Samater  in aanay iyagu ka madax-dhaqameed ahaan jeclayn in  aan wax ka qabashadda arrintooda warbaahinta laga sheegin, hase yeeshee sidii ay iyaguba sameeyeen markii ay madaxweynaha u gudbinayeen tabashadoodda, isla markaana si hoose loogu dhameeyo ama wax looga qabto.
“Run ahaantii anagu ma jeclaysanayno  in arrinka mar walba warbaahinta la noo mariyo, oo la yidhaahdo salaadiintu cabasho ayay keeneen. Waanu ognahay oo waanu geynay tabashadayadda meesha, laakiin waxaanu jeclayn in sidii aanu naguba u gaynay iyadoon cidi na ogayn in la noogu dhameeyo, oo arrinkii sida ugu dhakhsaha badan loo dhameeyo. Laakiin in warbaahinta la mariyo imikana way dhacday mar horena way dhacday, ma jeclaysanayno arrinkaasi. mar walba in warbaahinta la mariyo waxaas ayaanu qabanaynaa mid aanu jeclaysanayo ma aha, anagu waxaanu jecelnahay  in sidii aanu anagoon warbaahinta ka hadal aanu miiska u soo dhignay,  ee aanu  u garnaqsanay  in sidiisii la noogu dhameeyo, oo wax looga qabto” ayuu yidhi Ibraahim Jaamac Samater.
Suldaanka,    mar  la waydiiyay  in ay   la qabaan madaxweynaha  firkadda ah    in suldaan Wabar uu qaran-dumis yahay, waxa uu ku jawaabay “Taasi waa arrin dawladda ama xukuumadda u taalla, laakiin marka laga ahdlayo arrinka suldaan Wabar  haddii aanu nahay madax-dhaqameedka reer Awdal anagu waanu cadaynay, in aanaan anagu hawshaasi ku lug lahayn, waxna kala ogayn,  ee ay suldaan Wabar isaga uun ku eegtahay, waanu cadaynay, intii ayuunbaan imikana ka odhanayaa. Laakiin waxaas kale waa kuwo xukuumadda iyo qaranka u yaalla” ayuu yidhi suldaan Samater.
Sidoo kale suldaan Ibraahim Jaamac Samater, oo la waydiiyay su’aal ahayd in madax-dhaqameedka reer Awdal ay ka gaabiyeen kaalintoodii oo ahayd in ay iyagu suldaan Wabar  la hadlaan oo ay soo qabtaan. Waxa uu ku jawaabay “Anagu waanu isku daynay, waananu ddadaalnay, sababta aanu wax uga qaban kari waynayna waxay tahay waayo ninkii halka uu joogaa way ka baxsan tahay Somaliland, oo wadan kale ayuu joogaa, markaa ma awoodi karno in aanu soo qabano. Markaa annaga wixii wadanka gudihiisa ah haddii ay wax ka jiraan ayaanu diyaar u nahay in aanu wax ka qabano, waananu dadaalnay, waananu isku daynay, laakiin mar haddii ay wadan kale  uu joogo ninkii hawshaasi  labadda dawladood ee Somaliland iyo  meesha uu joogo suldaan Wabar ayay u taalaa.”
Dhinaca kale Suldaan Samater, mar la waydiiyay  waxa uu ka og yahay halka uu hadda suldaan Wabar ku sugan yahay, waxa uu yidhi “Annagu kama war qabno, laakiin waxaa la og yahay uun in uu xuduudda Itoobiya iyo Somaliland u dhaxaysa ku sugan yahay”.
 
Suldaan Samater, ayaa  guud ahaanba bulshadda reer Somaliland ku hambalyeeyay curashadda sanadka cusub ee miilaadiga ee 2015, isagoo illaahay uga baryay in uu sanadkani cusub ka dhigo mid barwaaqo iyo horumar  balaadhan u horseedda ummadda reer Somaliland.
Sidoo kale suldaanku waxa uu dadka islaamka ah ugu hambalyeeyay xuska dhalashadda nabigeenii Muxamed (SCW) oo ku began maanta, isla markaana si weyn looga xusayo meelo badan oo ka mid ah caalamka islaamka.
By: Khadar Cabdi Muuse
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply