Wasiirka Maaliyadda Oo Shalay Ku Waabariistay Kastamadda Abaarso iyo Kala-baydh

0
472

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland  Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaa kormeer shaqo oo kadis ah shalay ku tegay  Kastamada  Magaalooyinka Abaarso iyo Kalabaydh.
Wasiir Cabdicasiis  Maxamed Samaale waxaa uu soo kormeeray  sida ay u socoto shaqada dakhli ururinta ee labada Kastam waxaanu halkaas kulamo kala yeeshay  masuuliiinta Wasaaradda ee Kastamadda  Kalabaydh iyo Abaarso.
Ugu horrayn waxaa Wasiirku waxaa uu warbixin ka dhegaystay  Maamulaha  Kastamka Kalabaydh oo  ka warbixiyay mudadii uu joogay waxa u qabsoomay.“Anigu waxaan ahay maamulaha kastamka Kalabaydh muddo sanad ah ayaan joogay marka la isku eego xisaab xidhkii sanadkii hore iyo ka sanadkan waxaa noo kordhay lacag aad u faro badan.marka ay wakhtigeeda gaadhana wasiirka ayaa soo bandhigi doona laakiin waxaa kaliya ee aan idiin sheegayaa ugu yaraan miisaaniyaddu waxay noo korodhay 100/40. Waxaanan idiin sheegayaa waanu isku duubanahay guud ahaan shaqaalahayagu wax naga xumina ma jiraan waana guul balaadhan oo aanu ku tallaabsanay intii ay Xukuumadda Madaxweyne  Siilaanyo Jirtay waana tallaabo wanaagsan  oo aanu ku ammaanayno Wasiirka Maaliyadda iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda oo aanay la’aantood waxba noo suura galeen,”ayuu yidhi Maamulaha Kastamka Kalabaydh Cabdiraxmaan Cabdilaahi.
Wasiir Cabdicasiis Samaalle  oo isna ka hadlay ujeedada kormeerka uu shalay   ku soo maray Kastamyada Kalabaydh iyo Abaarso, waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa  Maamulaha Kastamka kalabadh iyo shaqaalihiisa oo aan leeyahay hawl wanaagsan ayaad qabateen inkasta oo ay maalin Jimce ah tahay oo fasax lagu gudo jiro haddana wasaarad maaliyad ahaan innagu waynu shaqaynaa,waxaanan kormeeraynay oo aanu ogaanaynay sida ay shaqadu u socoto  ee ay u bilaabantay iyadoo sanadkii cusbaa uu bilawday oo  maanta(shalay) uu laba yahay,waxaanan ku faraxsan nahay sida wanaagsan ee ay shaqadu u socoto haddii ay  kastamada tahay iyo haddii ay cashuuraha Berigga tahay-ba  si wanaagsan ayaanay u socotaa dakhli ururinta dalku.”
Wasiirku waxaa kale oo uu kula dardaarmay shaqaalaha Kastamyada dalka in ay si wanaagsan oo soo dhaweyn badani ku jirto ugu adeegaan dadka macaamiisha ah ee loogu adeego Kastamada,  waxaanu ugu dambayn u mahad naqay guud ahaan  gacastasada loogu adeego Kastamyada dalka gaar ahaan Ganacsatada Qaadka.
“Waxaan  kula dardaarmayaa dhammaan maamuleyaasha iyo  shaqaalaha Kastamadda dalka  in ay aad u soo dhaweeyaan macaamiisha loogu adeego Kastamada iyo guud  isla markaana ay ugu dedaalaan in ay si dhakhso ah ugu cashuuraan alaabooyinka kala duwan ee ay  ganacsatadu sitaan si aan  ugu habsaamin kastamada,waxaa kale oo aan halkan uga mahad celinayaa ganacsatada qaadka oo si wanaagsan isaga bixiya casuuraha dalka,”ayuu yidhi Wasiirku.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply