Markhaati lagu dilay Kenya

0
369

Boliiska Kenya ayaa helay maydka qof marqaati ka ahaa dacwad madaxweyne ku xigeenka Kenya uga socota maxkamada caalamiga ee danbiyada ICC.
Warbaahinta waddanka ayaa sheegaysa in maydka Meshach Yebei laga helay wabiga agtiisa, in ka badan toddobaad markii la arkay isagoo gaadhi la saarayo magaalada Eldoret.
Mr Yebei ayaa u duuli lahaa Hague si uu marqaati uga bixiyo dacwad loo haysto madaxweyne ku xigeenka William Ruto. Mr Ruto ayaa loo haystaa dacwado la xidhiidha weerar lagu qaaday dadka Kikuyaha toddobo sanno ka hor doorasho dhacday kadib.

Leave a Reply