Rabshado ka dhacay Deked ku Taal Faraas

0
396

Biro dhaadheer, alwaax, ulo iyo dhagxaan ayay isticmaaleen markii labada kooxood ee dadka soo galowga ah ay dagaallamayeen saacadihii hore ee shalay  deegaanka la yidhaa Dunes ee wax yar ka sarreeya dekedda Calais.
Shaqaalaha adeegga bulshada ee halkaasi jooga waxay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay oo dhan ay xiisaddu sare u kacay, gaar ahaan dadka ka yimid Afqanistaan iyo kuwa ka yimid qaaradda Afrika.
Inta badan xiisadaha noocaas ah waxay ka dhashaan cuntada oo lagu dagaallamo, laakiin markan xaaladdu way sii xumaatay.
Arrin kale oo dadkan cadhada ku sii kordhisay waxay tahay tan iyo markii uu bilawday sanadka cusub waxaa yaraaday tirada baabuurta ka soo baxda dekedda Calais, sidaas awgeed waxaa yaraaday fursadihii dadka soo galowga ah ay ugu soo dhuuman lahaayeen dalka Britain.
Waxaa lagu qiyaasay in shalay ay dekedda Calais ku nool yihiin dad ka badan laba kun oo qof, oo rajeynaya inay ku soo dhuuntaan dalka  Britain.

Leave a Reply