Switzerland : Denbiile Lama Xidhayo Haddii Aan Farance Ogolaan

0
369

Wasaaradda Cadaaladda ee Dalka Switzerland ayaa ka fekeraysa sidii ay ugu wareejin lahayd maxaabiis badan oo ku xidhan dalakeeda, dalalka Farance iyo Jarmalka.  Dawladda ayaa arintan sabab uga dhigtay iyadoo dalkaasi ay ku bateen denbiyadu xabsiyaduna ay ku yaryayihiin.
Madaxa Jeelasha ee dalkaasi oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in jeelashu ay hadda 100% buuxan oo aanay jirn meel dembiile danbe lagu xidhaa, taasi oo ah arina adag haddii aanay Farance iyo Jarmalku ogolaan in loo wareejiyo.
Waxa kale oo jira khilaaf  iyana ka dhexe taagan Farance iyo Jarmalka oo isku dhinac ah iyo dalka Switserland taasi oo aanay weli aqablin in loo wareejiyo maxaabiis dalalkooda, iyagoo labadan dal ku dhaliilay Switzerland sharciga muhaajiriinta oo fudaydiyay in dalkaasi ay ku soo bataan qaxootigu taasina ay sabab u tahay denbiyada bata.

Leave a Reply