Golaha Guurtida Oo Dood Adag Ka Yeeshay Hay’adda Dhawrista Tayada

0
369

Hargeysa (Dawan) – Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirguddoominayay gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golahaas mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxay kaga doodeen Xeerka guddida Hay’adda dhawrista tayada xeer Lr.68/2014, kaas oo ka soo gudbay golaha wakiilada.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Abokor oo xeerkan ka hadlaaya ayaa waxa uu ku dooday oo uu yidhi “Dawada qofka xanuusanaya la siiyo cida lagala xisaabtamayo ee ay soo maraysaa waa Ha’adda dhawrista tayada dawladana waxa ku waajib ah in ay u keento shaybaadhadii ay ku shaqayn lahayd. Waxaan soo jeedinayaa in xeerkan Hay’adda dhawrista tayada guddi loo saaro.”
Xildhibaan Sahal Iidle Dirir oo ka mid ahaa xildhibaanadii aragtidoo ka dhiibtay xeerkan ayaa waxa uu yidhi “Xeerkan lama diidana in uu daboolo baahi jirta, waana sababta loo asaasay laakiin looma baahna in uu albaab kale oo dhibtiisa leh inagu furo. Anigu waxaan soo jeedinayaa in xeerkan loo saaro guddi uu uu ka mid yahay garyaqaanka guud oo soo bislaysa oo wax ummada u cuntami karo oo lagu dhaqi karo ka soo dhigta.”
Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble ayaa isagoo doodiisa ka dhiibanaya xeerkan ayaa waxa uu yidhi ”Xeerkani waxa uu ka mid yahay xeerarka uu maanta dalkeenu ugu baahiada badan yahay. Waayo waxaba la sheegaa in ay jiraan badeeecado dhacay oo shaambado lagu soo dhufto oo dib maraakiib loo soo saaro. Markaa waxaan soo jeedin lahaa in xeerkan si dhab ah looga baaraan dego guddina ha loo saaro. Waxa kale oo aan soo jeedin lahaa ha loo yeedho oo hay’addii wax halaga waydiiyo xeerkan.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan (Shaadh) ayaa isana waxa uu ku dooday oo uu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in xeerkan loo saaro guddi xildhibaano ah oo la kulma mas’uuliyiinta hay’adda dhawrista tayada kadibna golaha warbixin ha ku soo celiyaan laba maal mood ka dib hadii alle yidhaa.”
Xeerkan Hay’adda dhawrista tayada xeer Lr.68/2014 oo ay soo ansixiyeen golaha wakiiladu waxa uu ka kooban yahay 46 qodob.
Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golahaas mudane Siciid Jaamac Cali ayaa waxa uu xildhibaanada u sheegay in xeerkan ay ka soo tallo bixin doonaan guddi hoosaadka guurtida ee arrimaha bulshada iyagana laga sugi doono in ay golaha ku soo celiyaan warbixin ku saabsan xeerka Hay’adda dhawrista tadyda.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply