“Waa Fool Xumo In Mucaaridku ku Dagaalamaan Weftigii Wada Hadalada Ayaan Nalagu Darin”

0
382

Hargeysa (Dawan )- Wasiirka Wasaarada Cadaalada Jamhuuriyada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa  ku dooday in xisbiyada mucaaridka ahi ay  muuqdaan qaar doonaya inay lugta qabtaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
 
Wasiirku waxa uu ku baaqay in mucaaridka dalku ay xukuumadda u dabo-fadhiistan wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse aanay kaga dabo-qeylin  xubno lagu daro ergada wada hadalada.Wasiirka oo  shalay Xafiiskiisa ugu waramayay Wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu sheegay in ay gef  iyo  deel-qaaf  tahay in qaar ka mid ah hoggaanka dhaqanka Somaliland ay yidhaahdaan hebel baa noo Musharax ah iyada oo uu sharaxan yahay Madaxeynihii Qaranku.
 
 
Xuseen Axmed Caydiid oo ka hadlayay aragtidii xisbiyada mucaaridka ahi ku naqdiyeen wada hadaladii ay dhawaan Jabuuti ku yeesheen Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Horta Somaliland iyo Soomaaliya ugu ma horeeyaan laba dhinac oo wada hadla oo Qaranimadooda ka wada hadla in badan bay Adduunka ka soo dhacday ma maqalno, manaan maqli jirin, mana maqli doontid cid kale oo leh aanu  tagno shirarkaa,  cidaa Tallada loo doortay ee Qaranka hoggaamisa  mooyaane, cida kale looma dooran, Qaranka talladiisa cid baa loo dhiibtay, bal dhinacan  kale ee Soomaaliya ka socda imika haddii aad Akhrido ama Daawato Tv-yada, wali ma aragteen cid leh ha na laga qayb galiyo oo Mucaaridnimo ahaan ha na looga qaybgaliyo miyaynu u aragnaa? Waa maya”.
 
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi  “Waxa weeyaan tallada ciddaa loo dhiibtay ayaa leh hogaaminteeda, wixii uu Dastuurku ogolaa ayuun baa asaas innoo ah, meel aynu ka duulno, Qaranimadii aynu 1991-kii  la soo noqonay ayaa Base-line (saldhig)  inoo ah, inta kaa lagu taagan yahayba in Dadku ay ku taageeraan mooyee in ay kaga soo horjeestaan oo  lagu mucaarido xubnaha weftigayaga nalaguma darin waa wax aad u fool xun.  Ma habboona inaynu  Innagu lugta jiidno xukuumadda, waana Qaranimadeenii oo aynu lugta jiidayno, taasina mid meesha ku jirta maaha.”
 
 
 
 
Wasiirka cadaaladda oo ka hadlayay murrashaxnimada madaxweynaha ee kalkiisa labaad ee dastuuriga ah, waxa uu yidhi “Waxa ay Ummadu  wada ogtahay , Madaxweynuhuna uu si cad u sheegay  in uu teeramka labaad ee uu Dastuurku u ogol yahay uu u sharaxan yahay Xisbi ahaana ilaa imika ma hayno cid leh Madaxweynaha ayaanu kula  tartamaynaa Xisbiga gudihiisa  ma ogi,  cid kastoo oo hunguri leh waxay ka duulaysaa marka uu Madaxweynuhu labadiisaa teeram dhamaysto ee uu ka calaf qaado, marka ay sidaa tahay Doorashada u soo horaysa ee fooda innagu soo haysa ee qorshaysnayd  bisha Juun 2015, haddii Madaxweynaha looga wada hadhay Xisbi ahaan ta innoo xigtaa waa shanta Sanno ee hadhay ugu yaraan markaa cid nolol ku gaadhi iyo duruufi waxay noqon doonto lama oga, markaa ta aynu ka hadlaynaa waxay noqonaysaa ugu yaraan 2020 iyo wixii ka dambeeya, markaa waxaan leeyahay 2020 maanta ka hadalkeeda meeshaba ma  yaalo,  markaa waxay ila tahay inta hadashay in badan oo aan hadlin oo la hubo in ay hunguri yeelan doonaan, baroortu waxa weeyi 2020 iyo wixii ka dambeeya waxay ila tahay Sarajooga yaynaan ku Ataxiyaadsan ee aynu Fadhiga isla gaadhno Xiligaa iyo wixii nool iyo Xaaladi waxay timaado aynu isla eegno.”
 
 
 
Wasiirka Cadaalada oo arrintaasi ka  hadlayay waxa uu ku kabay intaas “Awoodaa wax kala saarida Musharixiinta waxa iska leh Xisbiyada Goloyaashooda dhexe, ee Nin maanta sii hadlay iyo Nin bari hadli doona iyo Nin Shirka dhexdiisa maalinta uu furmo ku hadlaba xaq bay u leeyihiin inay isa soo taagaan laakiin waxaan leeyahay wakhtigeeda ha la gaadho, arrintana halaga daayo banaanka laga wad-wado ee Reeruhu leeyihiin Hebel baa noo sharaxan, waxaan qabaa deelqaaf  baa ku jira.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply