Muddaneyaasha WADDANI Oo Ku Heshiiyay Inay Curyaamiyaan Fadhiyada Wakiiladda Inta Guddoomiye Cirro Maqan yahay

0
385

Hargeysa (Dawan) – Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee taageera xisbiga WADDANI ayaa diiday in ay ka soo xaadiraan fadhiyadii  Golaha Wakiiladu yeelan lahaa, tan iyo maalintii  uu dalka ka dhoofay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu, ahna Guddomiyaha Xisbiga WADDANI  Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), taas oo keentay in maalin kasta ay kooram la’aan aawgeed u furmi waayaan fadhiyadii Golaha Wakiiladu, halkaasna  ay ku joogsadaan  hawlihii kala duwanaa ee  Golahu qaban lahaa  oo dhammi.
Hawlahaas  oo sida  uu hore u sheegay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladu, ahna ku simaha Guddoomiyahu Md Baashe Maxamed Faarax ay ku jiraan xeerar kala duwan oo wakhti aad u yar haysta iyo hawlo muhiim ah oo loo baahan yahay in hore loo qabto, balse aanay illa hadda waxba ka qabsoomin, isaga oo isla mar ahaantaana Guddoomiye ku xigeenku dhawr jeer oo hore Mudaneyaasha uga digay in ay ka maqnaadaan fadhiyada Golahu yeelanayo.
 
Hase ahaatee waxaa hadalkaas Gudoomiye xigeenka ku gacan saydhay  Mudaneyaasha mucaaridka ah ee taageera Guddoomiye Cirro iyo xisbigiisa WADDANI, kuwaas oo subax walba marka Golahu furmayo ka dareera hoolka shirarka, isla markaana dhex meeraysta xayndaabka  Golaha dhexdiisa iyo maqaaxiyaha  ku dhow dhow xarunta Golaha  oo ay koox u fadhiistaan, kana sheekeeyaan saacadaha shaqadu socoto oo dhan.
 
Iyada oo  Axadii shalay oo Golahu u ballansanaa Ansixinta Xeerka Booliska  oo  Madaxweynahu Golaha dib ugu soo celiyey, islamarkaana Kaabis iyo waxka bedel lagu sameeyay, uu u baaqday kooramkii loo baahnaa ee Golahu ku furmi lahaa oo buuxsami waayey, ka dib markii Mudaneyaasha mucaaridka ahi fadhiga ka soo daahiri waayeen, waxaana fadhigaas ka soo xaadiray 53 Mudane oo u badan xildhibaanada muxaafidka ahhalka xeerkan ansixintiisu u baahnayd  55 Mudane.
 
Talaabadan ay ku kaceen Mudaneyaasha mucaaridka ahi, ee ay ku diideen in ay ka xaadiraan fadhiyada Golaha ayaa ah arrin cusub oo nooceedu aanu hore uga dhicin Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland, waxaana la rumaysan yahay inay qayb ka tahay siyaasad cusub oo Guddoomiye Cirro iyo Mudaneyaasha taabacsani ugu tallo galeen in ay ku curyaamiyaan hawlaha kala duwan ee ay xukuumadda iyo Golaha Wakiiladuba Qaranka u hayaan. Mana jiraan wax hawlo ah oo uu qabtay Golaha Wakiiladu tan iyo markii uu todobaadkii hore dalka ka dhoofay Cirro oo socdaal shakhsi ah ugu kicitimay wadamada Djabouti iyo Imaaraadka Carabta. Waxaana la aaminsan yahay in  Guddoomiye Cirro oo ka cabsi qaba mudada uu maqan yahay in Goluhu meel mariyo xeerar iyo hawlo aanay dani ugu jirin isaga iyo xisbigiisa, ama ka hor imanaya ujeedooyinkiisa gaarka ahi uu Mudaneyaasha mucaaridka ah ee isaga la jira kula sii balamay  in aanay  ka qayb gelin fadhiyada Golahu yeelanayo inta uu ka imanayo, si wax waliba isaga ugu dabranaadaan.
 
Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax oo  hadal kooban u jeediyay Xildhibaanadii fadhigaas baaqday ka soo xaadiray, ayaa sheegay tirada Mudaneyaasha looga baahan yahay inay ka soo xaadiraan fadhiga lagu ansixinayo xeerka Booliska, waxaanu yidhi  “Waxaynu raacaynaa sharciga oo sheegaya 55 xildhibaan shan iyo kontonkiina ma joogaan.”
 
Dastuurka JSL ayaa waxa uu dhigayaa haddii uu madaxweynuhu golaha wakiilada dib ugu soo celiyo xeer waa in ansixintiisa loo helaa 55 xildhibaan ama ka badan. Fadhigana waxa ku sugnaa 53 xildhibaan oo ka mida 82-ka uu ka kooban yahay golaha wakiiladu
Shirgudoonka golaha wakiilada ayaa waxa uu xildhibaanda golaha wakiilada ugu baaqay in ay ka soo xaadiraan fadhiga kan xiga si loo ansixiyo xeerka booliska oo sida uu sharcigu dhigaayo loo baahan yahay in lagu meel mariyo 55 xildhibaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply