“Ka yeel hamigaaga mid keliya oo ah la kulanka Allah (sw) , Aakhiro iyo is hortaaga Rabbi”. Wixii intaasi ka danbeeya way dhib yar tahay. Aduunyada shaqadeed, derajadeeda, dahabkeeda, lacagteeda, caruurteeda, sharafteeda, caanimadeeda, fooqyadeeda waxba kama ah Aakhiro”. Allah (sw) ayaa ku sifeeyay Munaafiqiinta inay ku hamiyaan naftood keliya , calooshooda rabitaankooda aduunyo mana laha hami ka fog intaasi.
Nin munaafaq ah ayaa soo maray Rasuulka (scw) iyagoo asxaabtu balan kula gelaya geed hoostiisa, waxaana uu yidhi aniga awrkayga oo aan helo ayaan ka jecelahay balankiina.” Rasuulka (scw) aya yidhi dhamantiin waa la idiin denbi dhaafay ninkaasi mooyee” Isagu wuxu laha hami aduunyo.