‘Kalluumaysigu Wuxuu Door Ka Qaadanayaa Shaqo Abuurka Iyo Dhinaca Isku Filaanshaha Cuntada’

0
369

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda kalluumaysiga Somaliland Cabdikariim Axmed ayaa ka warbixiyay hanaanka ay u shaqeyso wasaaraddaasi iyo qorsheyaasha waxqabad ee ay hiigsanayaan mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.
Wasiir ku-xigeenka oo dhawaan hawlo shaqo ku tagey xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa sheegay in wasaaraddaasi ay qaranka u hayso hawlaha maamulka xeebaha iyo kalluumaysiga, waxaanu yidhi, “Wasaaradda kalluumaysigu qaranka waxay ugu xil-saaran tahay maamulka, ilaalinta iyo horumarinta kalluumaysiga, runtiina waxaanu doonaynaa maadaama oo uu dalkeenu ahaa mid dagaalo ka dhaceen oo dibu dhiskiisu weli socdo, kuwaasoo burburiyay kaabayaashii inaga caawin lahaa kalluumaysigeena, markaa dibu dhiska ama soo celinta kaabayaashaas inaanu horumarino, shaqo wanaagsana way nooga socotaa arrimahaas, markaa waxaanu rajaynaynaa in sannadkan 2015-ka inuu noqdo sannad ka duwan sannadihii hore oo laga bilaabo dacal ilaa dacal magaalo kasta oo dad ku nool yihiin oo xeeb ah ama baddi ku taalo inay hesho baraf dhaliye inay hesho goobihii qaboojiyeyaasha ee kalluunka lagu kaydinayay ayaanu ku dedaalaynaa.
Sidoo kale waxaanu jecelnahay inaanu dhamaystirno wixii siyaasad ah ee qabyo ah, waayo haddaanad hayn siyaasad wanaagsan oo waqtiga la jaan-qaadaya oo adduunka la jaan-qaadaya haddaan u samaysan, si aad khayraadkaaga u horumariso qabyo badan ayaa imanaysa, hawlaha aanu imika hayno kuwaaasaa ka mid ah, waana wasaarad weyn oo waxtar weyn u yeelanaysa dhaqaalaha iyo horumarka Somaliland, marka laga eego dhinaca shaqo abuurka, mark aka eegto dhinaca isku filaanshaha cuntada.”
 
 

Leave a Reply