“Lama Arag Suldaan Nabad-diid Ah, Somaliland-na Uma Baahna Dad Qori-qaata”

0
394

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtidda Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-waraabe) ayaa sheegay in Golaha Guurtiddu ay ka gaabiyeen xal u helidda arrinta Suldaan Abubakar Cilmi Wabar, waxaanu tilmaamay in haddii ay Xukuumaddu u igmato ay ka qayb-qaadanayaan.
Xaaji Cabdi-waraabe oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Suldaan Wabar diyaar loola-yahay wax ka qabashadda tabashooyinka uu tirsanayo ee keenay inuu ka hor-yimaddo jiritaanka iyo qaranimadda Somaliland, waxaanu xusay in Somaliland aanay u baah-nayn cid kasta oo khal-khal gelinaysa Nabad-gelyadda.
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf isaga oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Boorama waa Kursigii Dawlada oo dhami ku fadhiday, gar baa naloogu leeyahay in aanu tagno oo aanu xaaladda dejino, Xukuumaddu-na noomay diran, annaguna waanu ka gaabinay kaalinta aanu ku lahayn, haddana waanu la soconaa in ay ka shaqaynayaan xaalada Gobolka Awdal, Dadka ay isku deegaanka yihiin Suldaanka diidan Somaliland.”
Xaaji Cabdi-waraabe waxa uu intaas ku daray  “Haddana wixii nalooga baahdo Xukuumadda ayaanu iska arki -doonaa, wixii  tegid leh waanu tegi, wixii nagu baaqdayna waanu qaban, laakiin waxaanu leenahay Boorama Gobolada dalka Somaliland la mid maaha. Markii Ingiriisku dalka haystay kuwaas ayay la saaxiib ahayeen, Somaliland markay dhalatayna Iyaga Aabo u ah oo waa halka ay Somaliland ka dhalatay, waxaanan u soo jeedin-lahaa duul-duulka iska-ilaaliya.”
Xaajiga oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu yidhi  “Kursigii Madaxwayne ku xigeenka Booramaa ku fadhida, wixii ay tabanayaan diyaar ayaa loo la-yahay inay wada-hadal ku sheegtaan, laakiin inta uu Suldaan meel ka kaco qorina-qaato waa nasiib-darro. Somaliland maanta uma baahna in la tuur-tuuro, Suldaan nabad-diid ahna weli lama arag, dad qori qaatana maanta Somaliland ma ogola.” Ayuu yidhi  Xaaji Cabdi-waraabe.
Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Mudane Xaaji Cabdi-waraabe  waxa uu sheegay in tabashadda uu qabo Suldaan Wabar diyaar loola yahay in wax laga qabto, waxaanu yidhi “Wixii aad tabayso Suldaan afkaaga ka sheeg oo kaalay, dalkana waxa jooga Madaxwayne aan dhalinyaro ahayn oo Nin wayn ah oo Garawshiyo bixiya, wixii aad tabanayso dhamaan waa kuu diyaar, Golahii Baarlamaankii, Odayaashii, Wax-garaddkii iyo dhamaan shacabka Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply