Naceyb ka dhan ah Muslimiinta Jarmalka

0
392

Kumannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay dalka Jarmalka, iyaga oo qaarna ay taageersan yihiin, kuwana ay kasoo horjeedaan waxa ay ugu yeedheen Islaamka ku faafaya qaarada Yurub.
Magaalada Cologne ayaa waxaa la joojiyay dibad bax looga soo horjeedo Muslimiinta, kaddib markii uu maamulka magaaladaasi si xooggan u diiday.
Balse magaalada ku taalla bariga Jarmalka ee Dresden ayaa waxaa isugu soo baxay 18 kun oo qof kuwaasi oo sameeyay dibad bax ka dhan ah Islaamka. Dibad baxan ayaa ahaa kii ugu ballaadhnaa ee Islaamka looga horjeedo oo Jarmalka ka dhaca.

Leave a Reply