RUUSHKA: Qorshaha Saldhig Dayax laga Samaynayo

0
366

Shirkad Ruush ah aya sheegtay inay diyaarinayso saldhig tijaabo ah oo ay ka samayso Dayax dushiisa, halkaasi oo marka ugu horaysa ay ku noolaan doonaan afar qof oo keliya sida ay ku dooday.  Shirkadan aya shaaca ka qaaday inay u dirayso halkaasi 37 Dayax gacmeed si ay u dhisto saldhigaasi. Shirkadan oo lagu magacaabo Lein Industries ayaa cadaysay in mashruucan cusub ay kaga bixi doonto lacag dhan 9.3 Milyar Doller taasi oo dhamays tiri doonta dhismaha saldhigan.  Weli may cadayn shirkadu wakhtiga ay rasmi ahaan u bilaabayso hawshan laakin waxay sheegaty in raridda qalabka dhismaha ay qaadan doonto 5 sano, iydoo dhamaystirka saldhigani uu noqon doono 10 gudahood. Madaxa hay’adda hawada sare ee Ruushka aya isna arinkaasi cadeeyay.
 

Leave a Reply